Turkigu waa gumayste Muslim ah.Ka guur Dalkaaga una guur Turkiga maya maya maya !! W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Turkigu waa gumayste Muslim ah.Ka guur Dalkaaga una guur Turkiga maya maya maya !! W/Q: Khadar Ibrahim Aar
Qoraalkaygani kuma wajahna kumana socdo, koox ama Xafiis isagu si gaar ah ugu adeega dadyawga Somaliyeed,kaasi oo qabta shaqooyinka ay ka midka yihiin soo saarista Visayaasha Cafimaadka,waxbarashada iyo dhamaan waxkasta oo markaasi dadka Soomalidaa u adeegaaya faa’idana ay ugu jirto.
Waxa aan ogahay in ay jiraan xafiisyo farabadan oo iyagu siyaabo kala gadisan ugu adeega umada somaliyeed, una soo saara Visayaasha ay dalkaasi ku gali lahayeen,iyaga oo danta ay u tagayaan ay tahay Cafimaad,waxbarashi iwm.
Hadaba qoraalkan waxaa igu kalifay aniga laftayda ayay arintani si shakhsiya ii taabatay isla markaana ay isoo gudagashay.Fahamka qaldan ee danaystaha Turkigaa ay Soomali ka aamintay ayaa daadkiisii isoo galay,waana mida igu kaliftay in aan qayla dhaan qoraal ah aan dadka Somalidaa u diro.
Fahamka xeeldheerida siyaasadu waa shayga kaliya ee nolosha inteeda kale lagu maraayo,waana halbawlaha lagu hiigsado horumarka dawladnimada,siyaasad qoto dheer ku fadhida la’aanteedna cidina ma hiigsan karto halkay ay doonayso in ay gaadho beri iyo saadanbe.
Caqli iyo garaad markaad wayday ayaa u jabtay cadawkasta oo Turkigu ka mid yahay ,nacabkasta ,tuugkasta ,khaayinkasta iyo cid aan rabin horu-markaagana markaas ayaad u gacan gashay Muslim ha ahaado ama Gaal ahaado.
Hadii aad marka horaba aamin san tahay qaacidada ah Muslimku wax ma khayaano,been ma sheego,kuma danaysto walaalkiisa Muslimkaa ,xaqiiq waxaad u dhawdahay in aad noqoto qof aan jirin, halisna waxa aad u tahay in aad ku lug-godo daynayste aan dantiise moogayn Islaamkana ku khiyaamaynaaya.
Turkigu inkasta oo uu yahay dawlad Muslim ah isla markaana guun facwayn ah ,balse inaad si fudud u aamintaa siyasadiisa qotata dheer adiga oo ku qiimaynaaya Muslim nimada taas macnaheedu maaha in aanu ku dhacayn ku khiyanayn,kugu danaysanayn,kaa danaysanayn.
Run biyo-kama dhibcaan ah in-dhawaalaba waxaa dhagaheena iyo maqalkeenaba ku badan,Turkiga oo horu mar lataaban karo ka sameeyey Somaliya gaar ahaan Muqdisho,Dad badan oo Somaliyii waxa ay yidhaahdaan Turkigu waa dawlad fiican sababta oo ah waxa uu cawin iyo gacan siin u gaystay dawlada Somaliya,sidasoo ay tahay ayaa dadkale waxa ay aamin san yihiin in turkigu yahay danayste dantiisa yaqaana cidna aan u danaynin,waa gumayste Muslim ah.
Waxa aynu ka wada warqabnaa ,layaab iyo anfariirna dad badan oo caqli leh ku keenay in qofkasta oo Soomali ah isla markaana hantida jeebkiisu ay gaadho “Konton kun oo Dolar” in uu ku hawoonaayo in uu dalka Turkiga Guri ama gabood ka iibsado.
Ka guur dalkaaga u guur dalkayga,waa talada Dawlada Muslimkaa ee Turkiga.Saw ma ogid in maanta siyasiyiintii Soomalida oo dhan iyo ninkii jeebkiisa buuxay in uu dhisay oo uu qurxiyey dal aanu lahayn,dal ay bari marka uu rarku kaga dhaco sharciyadiisu isbadali karto,kadibna aad kasoo huleeli karto.
Cafimaadka iyo waxbarashada Turkiga loo tagaa ,waa Malabka iyo macaanka Soomali dhulkeedii lagaga barabixinaayo.Waxaa wax laga qoomamoodo ah in maanta dad badan oo aan garanayaa xataa ay ku fikirayaan in ay iibiyaan hantida maguurtada ee ay leeyihiin ,kuwaasi oo dhamaantood u xamaan urursanaya degista dalka Turkiga,gumaystaha cusub ee casrigaa,burburiyaha xeesha dhreer ee umada Somaliyeed.
Somalidu waxa ay ahayd waligeed dad ilbaxa,caado iyo dhaqan waxaa inoo ahaa in dal shisheeye aynu tagno xoogga iyo xoolaha aynu kasoo shaqaysanana aynu dalkeena ku dhisno kuna xoolayno.Hadaba maanta xaalku wuu isbedelay,arintu waxa ay maraysaa in hanti aad dibad kasoo shaqaysato iska daaye, caqli xumadu ay ina marinayso in aynu iibino gadno hantidii maguurtada ahayd, Dhulkii iyo Guryahii iyada oo aynu u guurayno Turkiga.
Waxyabaha aan sida fiican u arkay waxaa ka mida,in xataa dadkii qorbaha joogay gaar ahaan dhalintii rag iyo tumar ay ku hamiinayaan dhisashada iyo iibsashada guryaha Turki,waa gumaysi cusub oo Salaada kula tukanaaya.
Ma ogtahay in qofkasta oo Somali ah isla markaana hantitisii oo dhan ku maalgaliyey dal shisheeye, in aakhirka dalkiisu uu baaba’aayo,waxaad dalkaagi kala tagaysaa Muwaadin dhaqalii,aqoontii,dhismahii,waxa aad maal galinaysaa nin kugu khiyaamaynaaya Muslinimo,ku dhacaaya,hab siyaasiya kula wareegaaya dhamaan hantilayaashadii.
Ma ogtahay in ay inagu soo fooleedahay isla markaana ay iman karto, hadii aan laga hortagin in qofkasta oo Somaliyii uu Turkiga u guuri doono.Waa gumaysi casriya,waxa wax lala yaabo ah in ay jiraan dad iyagu u doodaaya,balse aan fahmayn siyasada dhaqaala wadankooda loola wareegaayo.
Akhriste way dhici kartaa sida ay dadka qaar ku doodaan in wadanka Turkigu ka nolol jaban yahay wadankeena Fakhrigaa, isla markaana uu ka guryo jaban yahay,balse taas macnaheedu maaha Dhulkaaga ka guur gurigagana iibi adiga oo u guuraya dhul shisheeye.
Waxa laga yabaa in nolosha oo dhami ay biri cirka isku shareerto,kadibna aad ku hanbabarto xaalad khatar ah.Carri shisheeye Muslim iyo Gaal ka shaqayso dhulkaagana ku maal gali ,balse haw guurin Gurigagana haw iibin.
Xasuusin: waxaa jira dad badan oo ganacsataa oo deegaan ku noqday dalka Kenya, hanti aad u badana ka samaystay,balse dadkaasi oo dhamaan dhaqalaha badankiisa waxa ay ka heleen  Kenya, hadana waxa wakhtri kasta haysata qoomamo iyo hanjabaado kaga imanaaya dadka dhulkaasi iska leh,iyada oo waliba ay Kenya tahay dad midab ahaan aynu madaw wada naha.
Qoraalkaygan yaan khalad loo fahmin,in wadanka Dibada looga baxo maaha mid aan  diidanahay, lakiin in Hantidii iyo guryahii inoo dhisnaa la iibiyo,oo dhulkeenii aynu dhaxal warejinaa waa mud subxanaleh.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker