Mujaahidkii Qaadey Koobka Mujaahidiinta Geeska ee Taalada sawirka kurkiisa lagu xardhay Mapka Gobolka Awdal iyo cadeymahan soocan !!Dr.Khadar-Libaaxley.

Waayaha Sooyaalka iyo sadarada taariikhda ayey dabcigeeda tahay xuquuq ahaan in aaney qarin shakhsiyaadka iyo geesiyada leh hibada iyo sifaha tamar xarxiska illeyskiisu weynaado; isla mar-ahaantaana ka taga mahadhooyin togan ama taban oo tirsiga Aadamaha dal iyo deegaan ay tahayba qiime iyo qaayaba gardaadinta guulahoodu ay ku muunad iyo midabeysanyihiin ; garasho iyo garwaaqsi kadib cid kasta oo u xigto tirsata geesiga uu yahay iyo guulihiisaba waxa faral laabta ay u sii deyso ku noqda bulshooyinka badankooda u sameynta astaan iyo taallo lagu xasuusto cufka iyo culeyska uu geesigaasi u leeyahay bulsho kasta.
Sida Quraanku inoo cadeynayo ragaasi faro ku tiriska ah ee soo gaadhay darajo iyo heer kaliftay in taariikhdu xusto waxa ka mid ah:
1. Taallo lagu xasuusto darteed raggaasi dhismaha masjidkii loo dhisay asxaabal kahfigii sida ku xusan suuratul kahf , ee ay u dhiseen raggii mulkiyey tallada deegaankii ay yaaleen dhalinyaradaasi.
2. Taallooyin lagu xasuusto darteed Sannabadii loo sameeyey raggii la kala odhan jiray ( Laate , Cuze iyo Manaate ) waa sida uu quraan kuba xusaye e’ ragii saalixiinta ahaa ee ku caan baxay sama-falka tabaruca ah ee xujaajta iyo musaafiriinta.
3. Taariikhdan casriga ah ragga u qalmey ee soo gaadhey darajada heerka ah in taallooyin loo sameeyo sida ( Abraham Lincoln oo ah madaxweynihii mareykanka dhexdiisa ka joojiyey adoonsiga dadka madow ) Joseph stalin kii Russia , Europe , Africa iyo dunida badankeed wey ka taaganyihiin taallooyinka shakhsiyaadka hirgaley si lamid ah dhanka somalida taalladii sayid maxamed cabdale ee xamar ku taaley imikana magaalada Jigjiga dhawaan laga taagey.
4. Taallo dhamaanteed waxa isku fuuqsaday ( taallada sawirka kurka koobka sita ee ku xardhan soohdimaha ama xariiqaha xadka mapka Gobolka Awdal oo ah Kurka Mujaahidkii weynaa Siciid Daa’uud Cali oo sita koobka horyaalka mujaahidiinta geeska afrika ) cida sidan ugu xaradhay xariiqaha maapka gobolka mujaahidkan waa illaaladii ingiriiska ee dalka inla joogtay kadib markii ay ka heleen magaalada Makka Al-mukarama iyo Dalka Masar xogta mujaahidkan oo tafatiran isla markaana ay garwaaqsadeen xaqa iyo xuquuqda xasuus reeb ee uu mudanyahay mujaahidkan koobka sita !! sida uu tibaaxayo qoraagii gaarka u ahaa boqortooyada ingiriiska ee la odhan jiray ( I.M.LEWS ); mudane akhriste xaqiiqo kaa dahsooneyd waxa si fiican kuugu fasiraya macnaha iyo malaha uu u taaganyahay qaab dhismeedka map ka Awdal oo ah kur koob si ta ; kurkaasi oo eegaaya dhanka jihada Ethiopia oo ah jihadii ay loolan iyo jihaadka ugu hawl-gali jirtay Boqortooyadii ADAL ee Xarumaheeduu soo kal ahaayeen Saylac iyo Harar 1240-1880; dhanka koobka aan sheegayo : akhriste markale milicsiga bogashada iyo eeg-mada ii amaahi adiga oo si degan ugu fiirsanaya isla mabka Awdal dhexdiisa Mabka Degmada Borama waxa hubaal kuu muuqanaya qaabka degmada Borama u sawirantahay in ay tahay KOOB ku dhex nashqadeysan kurka Mujaahidka, KOOB kaasi waxa uu kuu sheegayaa qaadista koobka Mujaahidiinta iyo horyaalnimadooda.

Waa kuma Mujaahid Siciid Daa’uud Cali Cumar Walishamasi?

Waa imamkii ama abaan-duulkii ciidanka Boqoqtooyadii Adal , isla markaana qaabilsanaa fidinta xukun iyo tallada boqortooyada oo baryahaa ku koobneyd magaalada Saylac iyo duleed keeda balse ku fidiyey xukunka iyo tallada isaga oo adeegsanaya awood ciidankiisii iyo furashada guulo dagaal oo uu ku gaadhsiiyey xukunka illaa gobolada koonfurta itoobiya ee ( Daawa , Bali iyo Dawaro ) ; sida uu ka markhaati kacayo qoraagii khaaska u ahaa Boqortooyada ingiriiska iyo daraasad rasmiya kadib qoraayada Jamacada kaambiriij,ee uu ka midyahay (Ronald Oliver) Buugiisa layidhaa (The Cambridge History of Africa, Volume 3 ) page 153.

(“There are isolated references which show that the Somali had definitely begun to be directly involved in them. I. M. Lewis gives an invaluable reference to an Arabic manuscript on the history of the Gadabursi Somali, who, together with the Isa, form the largest group of the ancient Dir clan-family. ‘This Chronicle opens’, Lewis tells us, ‘with an account of the wars of Imam ‘Ali Si’id (d. 1392) from whom the Gadabursi today trace their descent, and who is described as the only Muslim leader fighting on the western flank in the armies of Se’ad ad-Din, ruler of Zeila.’1 Se’adedin, as we have seen above, was the joint founder of the Walasma kingdom of Adal with his brother Haqedin II. When the latter died, he assumed full powers in Adal and revived the struggle with the Christian army, against which he was successful on many occasions. This brought him considerable renown throughout the Muslim world, and a number of Arabic historical works refer to him with complimentary notes. Se’adedin (1373-1403) furi-ously attacked the frontier Christian provinces of Dawaro and Bali in particular, and drove away large numbers of cattle and slaves, which he collected as booty ” ).

Fiiro gaar ah eray bixinta Imam Ali Si’id :

Qof ahaan in badan ayaan isweydiiyey sababta dad badan oo soomaali ah waliba reer Somaliland ah marka qof loogu yeedhayo magaciisa inta badan loogu yeedho magaca awoowgii iyada oo laga boodayo magacii Aabbii? Baadhitaan iyo raadco dheer ka dib waxa ay iiga soo dhex baxday ( Suratul Yusuf mar aan akhrinaayey ) mudane akhriste bal si degan u akhri oo u dhabo gal suuragul yuusuf waxa aad heli doontaa sadarada aayadaha hore iyo dhexe nabi yuusuf oo tirinaya magacyada Aabbayaashii ibraahim , isxaaq iyo yacquub, waxa aad fahmi doontaa habdhaqanka magac akhrisku in uu halkaasi ka asal-qabo dunida oo dhan inta ku abtirsata diimaha ibraahiimiyada .
Halkan sida saxda ah waa Imaam abu Samaroon Siciid Daud Cali Cumar Walishamasi ; balse Professor kan oo ah British habka ama qabka magacdana u isticmaala sida reer galbeedka ee ah first and after name or family name oo ah in qofka magaciisa iyo magaca awowogi ama famliga la qoro oo laga boodo magaca aabaha dhalay aya Waxa uu u qoray magaca imaam Siciid sida tan “Imaam Ali Si’id” ha se ahatee halka danbe aya Waxa uu sharaxaad Ka sii bixiyay inu yahay awawga ay Gadabuursigu Ka so jeeda wa sida uu English ugu qoray
“from whom the Gadabuursi today trance their descent ,” .

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

3/13/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker