Xukuumadda Somaliland Oo Shirkad Aan Lacag Haysan Qandaraas 25 Sano Ah Ku Siisay In Ay Biyaha Badda Berbera Milix Ka Samayso.

Shakhsiyaadka Sheegay In La Siiyay Dhul Cambirkiisu Yahay 150KM2 Waxa Ka Mid Ah Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Soomaaliya iyo Nin La Taliye U Ahaa Wasaaradaha Somalia.

 

Hargeysa(OWN)-  Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2.

 

Telefishanka Codka Bariga Afrika ayaa sheegay in aanay Shirkadda Qandaraaska la siiyay haysan lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal caalami ah oo fuliya mashruuca.

 

Shirkadda Salternas waxa aasaasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen, Mr John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir khayraadka dabiiciga ah.

 

Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta shirkaddan, wakhtiga ay u bilaamayso kirada laga qaadayo iyo in ay ilaa hadda hayaan cid fikraddooda lacag ku maalgaliso si loo rumeeyo.

 

Sida ka muuqatay Hindise qoraaleedka mashruucan oo ay shirkaddu boggeeda ku faafisay iyo qoraal kooban oo uu guddoomiyaha shirkaddu soo saaray waxa ay shakhsiyaadkani hayaan fikrad ah in uumi baxa ay cadceeddu ku samayso biyaha badda laga sameeyo milix laga samayn karo dhaqaale fara badan iyo faa’iidooyin kale oo dhanka horumarinta bulshada ah.

 

Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan ilaa 18 ay qaadato dhismaha mashruuca ee wajiga 1-aad, islamarkaana muddo 18 bilood ah lagu soo saaro milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker