Waa sidee qaab dhismeedka Ururradu?

Waxaan ugu horeyn salaamayaa dhamaan warbaahinta  af soomaaliga ku hadasha . waxaan doonayaa inaan wax yar ka qoro sida ay u shaqeeyaan ururku ama organisstion.  Marka la dhisaayo Urur ,urukaas oo ah mid siyaasadeed, mid samafarl,mid shaqaale, mid caayaarha ,mid waaldiin iwm, waxaa marka hore loo baahan yahay in la diwaangaliyo  ,la sheego ujeedada ururkaasi loo aasaasey  waxaa markaasi xigeysa ina la ogaalado .
Marka la  ogolaado waxaa loo baahana yahay in la magaaco Ururka ;
Gudoomiye
G/ xigeen
Xoghaye
Khasnaji
Hanti dhawr
Fulin
xubno.
 Urukasi qofkasta shaqo ayuu leeyahay  waana  in loocadeeyaa , ururku waa inuu lahaada xeer hoosaad uu ku dhaqmo.’
Tusaale maxaa laga yeelaya qofkii iman waayaya shirarka ururka cudur daar la,aan iwm.
Ururku waa inuu  cadeeyaa mudo xileedka  xubnaha aan sare ku soo sheegaay ,waxayna ka dhigan karaan 1 sanad ilaa 2 sanadood. ka  dib waxaa la isug imanayaa shir weyne,shirweynahaasi waxaa lagu casuumayaa dhamaan xubnaha  ururkaasi ka koobnaa  waxaa loo sheegayaa goobta shirka ,saacadda  iyo taariikha  uu dhacaayo shirkaasi,.
Shirkaasi waxaa furaya Gudoomiyaha Ururka waxaa halaasi laga jeedinayaa  Wax qabadkii  ururkaasi muddadii uu shaqynaayey. waxaa hadlayaa qofkuu u  magacownaa dhaqaalaha wuxuu sheegayaa wixii soo galay   ,wixii baxay  iyo halka ay ku baxeen ,waxaana markii hore soo baadhey hanti dhawrka  oo sheegay  haddii ay jiraan wax madmadow ahi  hant dhawrkaasi oo qoraal soo raacinaya  hadaba sida ay noqotay baadhintaankii uu soo sameeyay.
intaa ka dib waxaa la dooranayaa shir gudoomiye tusaale ahaa sadex qof ayaa la carbaabay  ,waa in cod lagu kala reebaa kii noqon lahaa shir gudoomiye  ,waxa kaloo la dooranayaa xoghayay  ilaa 2 cod tirye .
Waxaa markaasi la galayaa doorashada  gudoomiyaha ,ku xigeenkiisa  ,xoghayaha ,khasnajiga , xeer hoosadka waxaa ka mida  cida ku hadleysa magaca ururkaasi  inuu ahaado qof awood u  haysta .
Qofka ururka ka mid noqonayaa waa inuu bixiyaa dhaqaalaha ururka taas oo aha hadaba wxiii lagu heshiiyoxas ,sannad, bil iwm
Maanta waa halkaasi ayaan ku joojinayaa waa inoo taxanaheena dambe .
Ahmed Ismail
Ahmedbudul@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker