Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Dib Loo Dhigay

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inay muddo laba maalmood ah dib u dhigeen shirweynihii Golaha Dhexe ee xisbigaas oo ka qabsoomaya magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ee Boorame.

Guddoomiye Ku-xigeenka KULMIYE wuxuu sheegay in shirweynihii Golaha dhexe ee lagu waday inuu ka qabsoomo Boorame maalmaha 23ka iyo 24ka Bishan, uu si rasmi ah u furmi doono 25ka Feberwari isla markaana la soo gabogabeyn doono 26ka bishan.

Axmed Cabdi Dheere wuxuu xusay in hawlo shaqo oo xisbigu yeeshay darteed labaad maalmood dib loo riixay, waxaanu ku wargeliyey xubnaha Golaha dhexe inay sidaas ula socdaan.
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker