Madaxweyne Farmaajo oo Safar Shaqo Ku Tegay Dalka Jabuuti

Jabuuti(OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu muddo labo maalmood ku joogay dalka Burundi.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo caawa gaadhay magaalada Jabuuti ayaa berri kulan la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker