Maal-qabeeno Swedish ah, Oo Somaliland Uyimid Maalgalin Iyo Arimo Ganacsi + Ujeedada kulan Ay La yeesheen Xukuumada!!

HARGEYSA(OWN) Wafti Iskugu jiray Maal qabeeno udhashay dalka sweden oo uu Weheliyo Safiirka somaliland Ufadhiya Dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta wasaarada arimamaha dibada somaliland iyo wasaarada ganacsiga.

Ujeedada Ganacsatada swedishka ahi  Uyimaadaan Somaliland ayaa Ah Sidii ay somaliland maalgalin lahaayeen. Iyo arimo Ganacsi.

Ugu horayna waxaa xubnahan Ganacsatada ah xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka wasaarada arimaha dibada, sidoo kale  waxay kulamo kale layeesheen masuuliyiinta wasaarada ganacsiga& warshadaha iyo dalxiiska .

Safiirka somaliland ufadhiya dalka sweden Amb Sakariye xasan Wacays ayaa mudooyinkii udanbeeyay ku hawlanaa sidii uu khayraadka somaliland ugu raadin lahaa maalgashi caalami ah taasi oo xiligan keentay in dalka ay yimaadaan ganacsato waawayn oo udhashay sweden kuwaasi oo lagu wado in ay somaliland ku sameeyeen maalgalin.

OodweyneNews/Desk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker