Layliga Shaqo Qaran Waa Midhaha ,Curdinka ah ee 9 Billood dabadeed u soo go,aya JSL iyo Ummadeed.

Marka ugu horeysa “Alle ayaa Mahad  dhamateed u sugnaatay “.

 

Waa ku Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Hindisa   Layliga Qaranka ee Da,yarta Waxbarshada Heerka-sare ah dhamaysatay.

 

Waa Hindisaad u gaar noqonaysa Md Muuse Bixii Cabdi iyo Xukumadisa  waanna wax kor u qaadaya  Hanaanka iyo Dhisida Qaranka JSL waa na mid laga filaayo Md kasta oo Qaranka Hogaanksisa Qabta inuu la yimaado Hindise iyo Qorshayaal wax ku ool ah o wax ku soo kordhinaya siddii Qaranku hore ugu tallabsan laha ugunna bixi laha baahiya kala duwan ee uu la Nool yahay.

Waa ku ixtraamaynaa Md Muuse Bixii Cabdi  iyo Xukumada Hindisaha Layliga Shaqo Qaran ee ay Aas aaska ka yihiin  waan Halbawle yaasha u baahna in hore wax looga qabto balse alle iyaga ayuu ka dhigay kuwo garta isla markaan ku dhaqaaqa  waxa aan leeyahay  Alle Ha idinku guuleeyo.

 Waxa aan ka rajayneynaa in la gaadho hadalka Da,yarta Dalka idil ahaanteed ba ku heli karto Layliga Qaranka mid wax-bartay iyo mid aan Barranba oo kaliya aanu (Layliga Qaranku) ku koobnaan  inta  fursada u heshay inay helaan Heerka-sare iyo ka Dhexe waxbardhada.

 

Sidda baahida guud ee Da,yartu waa ka weyn tahay inta Waxbaratay, qofka kasta oo Da,yarata ka mid ahina xaq iyo xaquuq ayuu u leeyahay  inuu helo Layliga Qaranka ee loo layl yaayo qayb kasta oo  waxtar u leh  Dalkiisa iyo danta guud ee Shakhsiga.

Hindisaha  cusub ee Xukumada muuse Bixii Cabdi Hogaamiyaha la timi waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah Qaranka iyo Da,yarta dhinaca kasta oo aad ka eegto.

 

Layligan  hadda intii ugu horeysay ay ila Shalay iyo Doraad ka kala soo ambabaxayeen Gobolada Dalka   Da,yarta fa,iidooyin badan oo ila inta ay aduunyada noolyihiin wax weyn ka tari karra ayaa at ka hadlayaan xagga caafimaadka Barshada, Shurucada Dalka, Qarannimada iyo Wadanimadu waxay tahay,  Isbarashada  ay isbaranyaan Da,yarta mid koonfurta dalka ka yimi iyo Galbeed Bariga fog iyo Waqooyi.

 

Waxa  iyaduna ku jirta fa,iidooyinka xagga Tabbabarka Qalbiyan ah oo aanay hore uga helin dhamaan Heerarka kala duwan ee Waxbarshada ay soo mareen ama ay dhamaysteen  ta ugu weyn waxay tahay in Da,yarata dhamanteed mari doonan  intii Diinteenu inagu waajibaysay ay ka mid tahay is-difaacida Shakhsiga ah iyo ta difaacida kale Dalkaga iyo meel kasto aad joogto  Dagaalk kugu qabsado sidii aad bad-baadinta naftada isugu dayi   lahayd iyo Ummada kale  meel kugula sugan aad isugu dayi lahayd inaad bad-baadinta Alle ayaa wax bad-baadiye  ee ay u gudan lahyeen wajiibka diiniga ah ee ku waajibay qof kasto oo Muslim  gaar ahaan marka u yahay Nin dil-gaar ahi sii saaran yahay.

 

 

Inta waxa u sii raacaya wax badan oo Dalkooda, ayna ka war hayn   bay soo ogaanayaan sidda baahiyo badan oo Qaranku la Nool yahay .

 

Hasa yeeshe  Maanta ka dib ay noqonayaan inay wax ka ogyihiin nooc kasta oo baahiyeed  kuwa wax ka mid ah waa ognahay si guud in Dalkeenu ku yaal dhul Xasarado badani ka jiraan  sidoo kale Ummad ahaan ay fudud nahay inaynu kunna  dhiiran nahay waxyaabo badan oo aan waajib ahayn inaynu u gacan haadino  si yar oo fudud  inta badan waxa dhibaatad ugu badan ka soo gaadha arimaha  waa Da,yarta aan Aqoon dheeraad ah u lahayn Falalka kala gedisa ay ku kacaan ama ba ay ka qayb qaatan  sababtuna ay tahay waayo aragnimo la,aan iyo Aqoon iyo garasho la,aan awgeed .

 

 Marka halka   ay Maanta ay u baqooleen ee Layliga Shaqo Qaran waxay ka soo barranayaa  Aqoon waafi ah oo dhamaanba wax weyn ka tartan Nolashooda si digtoon iyo fejigan ay Barri  uga war-qabayan wax ku waajibay iyo waxan ku waajib  hasa ahaatee shalay dhici kartay inay si yar oo fudud ugu dhaqaaqan.

 

Fursadaha Shaqooyinka Qaranka ka banaanada.

 

Da,yarta  Layliga Qaranka qaadanaysa waxa ay noqonayaan hadii Alle idmo kuwa ugu horeeya  loo qaato Berri ka Maalin marka shaqooyinka ka soo baxaan qaybaha kala duwan ee Dawlada iyo kuwa kale gaar ka loo yahay ba .

Waxa furr,e u noqonaya meel kast iyo goob kasta uu Shaqo ka doono  Layligan Qaranka ee uu soo dhamaysatay  uma baahan doono  Xildhibaan ,Oday,Suldaan, Iyo Wasiir ay isku qabiil yihiin waxa uu noqonaya  qof walba mid damaanad qaaday Qarankiisu layliskiisa soo qaatay ama soo dhameysatay  halka wax ka hirgalaya Kalsooni  buuxda oo qof ka da,yarta ahi leeyahay iyo aamin buuxa oo aan shaki lahayn aannu hore u lahayn balse Maanta leeyahay.

 

Waxa aan mar labbada si kal iyo laab ah ugu Hambalyey nayaa  dhamaan Da,yarta nasiibka u yeelatay inay noqdaan kuwii ugu horeyey ee lagu furro Layliga Shaqo Qaran  Gobolka ay ka yimadeen Alle Ha idinka dhigo  Layliga Qaranka ee aad noqonteen kuwii koobad kuwo ka soo baxa kana soo dhalaal sidda ay tahay ee Qarankeen baahida idinku qabo buuxiya dhamanba Kaalmaha kala duwan berri ka Maalin buuxiya aad hadda  laydiin sii Tababaraayo.

 

Alle Ha idinka dhigo kuwii Aqoon,Waayo-aragnimo  ,  Isbarasho guud oo idin dhexmarta  horseeda.

 Jamhuuriyada Somaliland Iyo Ummadeed  Guul iyo Gobbo-nimo .

abokorm@hotmail.co.ukBolton

Bolton  UK

Abokor I Mohamud

Alle mahad leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker