Kabtan Shaysa Oo Booqday Madxafka Saryan Geeyeyna Sawir Muujinaya Qaab Xisaabeed Uu Ku Beegsaday Dayaxa.

Kabtan Yuusuf Aar Ducaale  (Shaysa) oo ah khabiir xaga badda iyo Maraakiibta ah ayaa booqday Madxafka Saryan Meseum oo ku yaala magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Madxafka Taariikhda iyo dhaqanka somaliland  Saryan Meseum Siciid Shukri.

Kabtan shaysa ayaa madxafka taariikhda somaliland ee saryan gudoonsiiyey Sawir muujinaya Socdaal dhinaca lugta ah oo qaab xisaabeed uu ku gaadhay Dayaxa taaso somaliland ka dhigaysa dalka sedexaad ee dayaxa tagay, Marka la Eego Qaab Xisaabeedkan Kabtanku So Sameeyey.

Kabtan Shaysa ayaa qaacidadan xisaabeed ku muujiyey Socdaalka dhinaca lugta ah ee uu dayaxa ku beegsaday iyo masaafada ay qaadan lahayd maalmaha saacadaha iyo sanadaha taas oo uu kabtanku sawirkaasi iyo qaab xisaabeedkaasi socodka dayaxa lagu gaadhayo uu ku wareejiyey Gudoomiyaha matxafka saryan Siciid Shugri.
Gudoomiyaha Madxafka Saryan museum, Siciid Shukri ayaa uga mahad celiyay booqashada uu ku yimi xarunta, sidoo kalena ka gudoomay sawirkaasi oo lagu dhejiyay Gidaarka Madxafka,

Kabtan Shaysa ayaa mudo gaadhaysa 45 sano waxa uu ka shaqaynaayay dekeda Berbera halkaasi oo uu ahaa kabtanka ku soo xidha maraakiibta,  mudadii uu ka shaqaynaayay dekeda Berbera waxa uu sidoo kale ahaa Macalin ardayda wax ku bara magaalada gaar ahaan qaabka maraakiibta loogu xidho dekeda,

Waxyaabaha lagu xasuusto Kabtan Shaysa waxa ka mida in laba jeer la geeyay Dekeda Magaalada Muqdisho ka dib markii lagu soo xidhi kari waayay markab weyn oo aan hore dekeda u iman. Waxana diyaarad gaar ah lagaga soo qaaday magaalada Berbera,  kabtan Shaysa ayaa ku guulaystay in uu Markabka ku soo xidho Dekeda Muqdisho.

Waa kuma Yuusuf Aar Ducaale (Shaysa)?

Waxa uu ku dhashay sanadkii 1930, Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil
Waxa uu tagay Cadan sanadkii 1948

Kabtan Shaysa waxa uu aqoonta  cilmiga Baddaha iyo maraakiibta ku soo bartay dalka Jarmalka  sanadkii 1964

Sanadkii 1969 waxa uu shaqo ka helay dekeda magaalada Kismaayo
Sanadkii 1970 waxa loo soo bedelay dekeda Berbera oo uu ilaa maanta kamidyahay Waaxdaasi.

 

TAAR TV CHANNEL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker