Farmaajo waa madaxweynahii ugu dhoofka badnaa ee soo ma’ra xukumadaha maqaar saarka ah ee muqdisho ka taliya.

Ugu horeeyn waxaan salaamayaa bahada saxaafada”ascw”.

Ka dib waxaan doonayaa bal in aan wax yar maanta dadka afka somaliga ku hadala, la wadaago khibrada iyo aqoonta aan ka bartay madaxweynaha koonfurta somaliya maxamed cabdilahi farmaajo.
Farmaajo waxaa la doortay mudo hada ku siman laba sanno ka hor , waxaan doortay gole loogu yeedhay golaha shacabka oo lagu soo xulay qaaciida’da qabiilka ee loogu yeedho ,4.5.
Hadaba akhriste farmaajo tan iyo markii la doortay waa madaxweynahii xukumadahii maqaarsaarka ahaa ee ay somaliyada konfureed yeeshaan, ilaa iyo burburkii somaliyadii hore,ugu dhoofka badnaa!
Dhoofkasi oo aan intiisa badan laga keenin guul ama horumar xaga xidhiidhka dunida marka laga tagi waayo sawiro iyo diyaarad la raaco ,oo uu ku baxo qarasha badan oon runtii aan macno u soo kordhin dadka ku dhibaataysan koonfurta somaliya.
Ujeedad safarada farmaajo ee dibadu waa kuwo aan lahaeyn macnayaal dhaafsiin istusnimo iyo xafiltan hoose oo somalida dhexdeeda ah iyo wax aan aheyn isla sawir madax kale oo dalalkooda iyo shacabkooda hore umariyey ,xag amni iyo dhaqaale,deganaanba.
Waxa aad arkeysa fudaydka farmaajo isagoo xitaa inqilaabey kaalintii reysalwasaaraha koonfurta somaliya ku lahaa siyaasada xaga dibada oo isagu shirkasta iyo meelkasta uga horeeyo oo uu diyaarada uga horqaato.
Waxa kale oo iyana meeha ka baxday bixitaankiisa oon laheyn barnaamuj dowladeed iyo maamuus diplomaasiyadeed balse isagu uu meelkasta taaganyahey waxaana gabi ahaanba meesha ka baxey doorkii wasiirka arimaha dibada iyo reysalwasaaraha kooxda muqdisho.
Isku soo wada duub,oo intii uu meeha joogay tiraba waxa uu dhoofay in ka badan 20 jeer oonu midna guul ka keenin, marka la bar bardhigo ‘sheekh shariif axmed ‘oo lagu xaman jiray in uu ahaa madaxweynaha ugu dhoofka badan kan ayaa baro ka dheereeyay.
Qore:Tahir hussein

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker