” Dawladda Sweden Waxaan U Sheegay Inaan Diyaar U Nahay Dadka Sharciga Loo Diiday Inay Soomaaliya Ku soo Celiyaan ..”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo dalka Sweden booqasho ku joogay si uu ula kulmo wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström.

 

Waxyaabaha uu wasiirku kala hadlay Wallström waxaa ka mid ahaa in dokumentiga Soomaaliya ee aan ilaa 1991 waddankan laga aqoonsanayn, taas oo dhibaatooyin badan ku soo kordhisay dadka ka soo jeeda Soomaaliya.

 

Tusaale-ahaan, soddoonkii sannadood ee ugu dambeeyey ayey Soomaaliya iyo dilalka ka dhaca mararka qaarkood saameeyn toos ah ku yeeshaaan bulshada Soomaalida reer Sweden, Dhibaatooyin la xidhiidha in aan la aqoonsan geeridiisa shakhsi dalkan ka tagay oo safar u aaday Soomaaliya, dabadeedna halkaa ku geeriyooday in geeri loo diiwaan geliyo, madama aan dokumentiga Soomaaliya aan Sweden laga aqoonsaneeyn.

 

Axmed Ciise Cawad waxa uu yidhi ” Waan kala hadlay wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström waana ii ballan qaaday in ay aad u fiirin doonan arrinkaas, Waxaan sidoo kale weydiiney wasiirka in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay qaabisho Soomaalida Sweden sharci ka dalbada balse diidmada ku helay “.

 

Wasiirka isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ” Khasab Soomaaliya mar walba waa u diyaar in ay qaabisho muwaadiniintooda meel walba oo ay aduunka ka joogaan. Sweden iyadaa xor u ah cidda ay wadankeeda sharci ka siinayso, iyo kuwa aanay ka siin”.

 

Sawirka: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad Iyo wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker