Ardayad   Sweden U Dhalatay Oo La Maxkamadeeyey Kadib Markiii Ay Hor Itaagtay Qaxooti La Mustaafurinayey

Gabadh xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqda oo reer Sweden ah ayaa lagu ganaaxay 3,000 krona oo u dhiganta 324 doolar, ka dib markii ay isku dayday in ay baajiyo qof soo galooti ah oo Afghanistan loo masaafurin lahaa.

Elin Ersson oo ah ardayad jaamacad dhigata ayaa goosatay tigitka diyaarad ay is lahayd waxaa saaran qofka Afghanistan u dhashay, waxayna diiday in ay fadhiisato tan iyo inta qofka qaxootiga ah laga dajinayo diyaaradda.

Inkastoo qofkii qaxootiga ahaa ee ay rabtay inaanuu saarnayn diyaaradda haddana waxaa rakaabka ka mid ahaa qof kale oo Afhanistan u dhashay oo dalka laga masaafurinayay ka dib markii uu dhamaystay xukun xabsi ah.

Labadii qof ee reer Afghanistan ayaa dalka Sweden laga masaafuriyay wixii ka dambeeyay markii ay mudaaharaadka dhigtay bishii todobaad ee sannadkii 2018ka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker