Yay U Darantahay Haddii uu Sii Xumaado Xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya?

Waxaa wali aanan la xallinin khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex-galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo soo shaac baxay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaalla xuduudda lagu mursan yahay, balse Soomaaliya ayaa arrintan beenisay.

 

Dad badani waxay isweydiinayaan saameynta ka dhalan karta haddii uu sii xumaado xiriirka labada dal iyo cidda ay sida gaarka ah u xanuujin doonto.

“Kenya oo jaadkii ay geyn jiratay dalka Ingiriiska laga joojiyay, haddii Soomaaliya ay joojiso arrintan awgeed, waxaa ka dhalan kara saameyn dhaqaale oo soo food-saarta dowladda Kenya iyo Soomaaliya oo canshuur ka heli jirtay jaadka, inkastoo jaadka laga keeni karo dalalka Itoobiya iyo Yemen, si lamid ah arrintan waxay saameyn doontaa ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ku leh dalka Kenya”.   Shaafici oo bartay culuumta dhaqaalaha.

 

Kenya waxay maalin walba Soomaaliya u dhoofisa Jaad loo iib geeyo magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya.

Sida uu kusoo warramay wargeyska The Foreign Policy, 15 diyaaradood oo jaad wada ayaa maalin walba ka dega magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacasatada Jaadka ee Kenya sannadkiiba la sheegay inay kasoo gasho lacag dhan 144 milyan oo doollar.

 

Sidoo kale Jaadka la geeyo Soomaaliya ayaa waxaa fursado shaqo oo badan ka hela dhalinyaro u badan kuwa deegaanka Meru oo ah halka ay ku yallaan beeraha jaadka iyo shirkadaha diyaaradaha ee geeya Jaadka oo inta badan la sheegay in laga leeyahay dalka kenya, balse ay kireystaan ganacsato Soomaali ah.

 

Muwaadiniin badan oo reer Kenya ah ayaa sidoo kale ka shaqeeya huteellada magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxaana jira macallimiin iyo shaqaale badan oo u shaqeeya hay’adaha kala duwan, kuwaasi oo heysta dhalashada Kenya.

Ganacsaada reer Kenya oo keliya ma ahan, balse sidoo kale waxaa jira ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo iyaguna hanti badan ku heysta Kenya, ganacsiyo kala duwana ku leh dalka Kenya.

 

Boqollaal Soomaali ah oo heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa ku ganacsada dalka Kenya sida uu BBC-da u sheegay mid kamid ah guddiga ganacsatada ee xaafadda islii.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau uu sheegay in Soomaaliya ay “xaraashtay” shidaal laga sahmiyay xad badeedka lagu muran sanyahay ee labada wadan.

 

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-kii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

 

Dadka qaar ee uu kamid yahay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in arrintu ay u muuqato mid waji kale wadata.

“Dad badan oo Soomaali ah waxay tuhunsan yihiin in xiisadda Diplomaasiyadeed ee Kenya ay soo cusbooneysiisay ay tahay istiraatiijiyad looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii muranka badda ee labada dal u dhaxeeya loogu xallin lahaa si hoose oo ka baxsan maxkamadda ICJ”, ayuu yiri.

 

Hoggaamiye ka tirsan Mucaaradka dalka Kenya ayaa qeylo dhaan u diray dunida, si wax looga qabto khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Kenya iyo Soomaaliya.

Musalia Mudafadi oo ah hoggaamiyaha xisbiga Amaani ee dalka Kenya, kana mid ah xisbiyada mucaaradka, ayaa qeylo dhaan u diray beesha caalamka, isagoo ka codsaday in si deg deg ah loo soo fara galiyo khilaafka sii xoogeysanaya ee dhinaca badda, ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si aysan xaaladdu faraha uga sii bixin.

 

Source: BBC SOMALI

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker