Way faalo beeshay

Way faalo beeshay

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib bal ii warran waxa la yidhi

Waxa laysku xidhayaa magacaa dhiman yacnii maad odhan

Madax/weyne muuse waa cajiib.

Kordhiye. Dee saaxiib kiilahaa mujaahid baan ahay haddii

Xaalkiisu halkaa marayo saaxiib markaa way faalo beeshay

Aakhirkana waxay tegi wixii tanoo kale beri laga yeelay

Taasi waa hubaal.

Mar haddaan xeer wax celinayn

Oo xishood wax celinayn

Oo dhaqan wax celinayn

Danbay utegi halka la garanaayo

Dabeed markaasay miyirsan.

Laakiin immika waxay marayaan wixii miyir qababa la hadal

Booli aranbaa lagu dabbalanayaa oo weliba edeb darro

Lagu darayaa .

 

 

Guuleed liibaan  snm17 10@livecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker