Qaybtii 8aad : Ka Hortagga Khatarta Dabka : Diyaariye Sareeye Guuto: Axmed Maxamed xassan (Sawaxili)

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah inta aan la isticmaalin qalabka korontada inla akhristo warqadda ammaseba buugiisa oo waxyaabo badan kuu tilmaamaya sida inta awoodiisu yahay, waxyaabaha lagu isticmaali karo, khatarta u leeyahay, iyo sida loo dayac tiri karo i.w.m laakiinse aan laiska isticmaalin iyedoon laba fahamsaneyn dariiqa saxda ah ee isticmaalka qalabka adsoo iibsatey taasoo kuu geysan karta dhibaato nafeed ammaseba hantiyeed.

Hadaba, qalabyadan casriga ahee lagu magacaabo “remote Controls’ wexey sahlaan inaad kaga shaqeysiiso qalabka adigoon is cadibin oo aan sara kicin, hase yeeshee marka qalabkaas “remote” ka laga deminaayo ayaa dadku wexey moodaan in awoodii korontada laga demiyey sheygaas laakiinse waa fahmo khalad ah sababtoo ah waxaa meesha ka dhacaaya waa badh demis oo keliya laakiinse xoogii korontada kama densanaa sheygii, markaas korontada weli ku xidhiidhsan qalabkaas ayaa had iyo jeerba dab inuu dhaliya u horseeda.

Markaas si looga badbaado khaladaadkaas waxaa la doonaaya marka hore haddii ad ka demiso ‘Remote” ka waa inaad hadana balaaga uku jiro adka demisaa kana saarta waayarkiisa balaaga, halkaasoo ayku dhamaaneyso khatartiisii oo idil dabna aanu ka dhalan karin. Maaha TVga oo keliya ee waa wax walba oo ku shaqeeya korontada in laga demiyo barta korontadu ayka soo geleysa waayarkiisana laga saara balaagiisa.

Marka dab u qabsado qalabka korontada waxaa loo baahanyahay haddii ad kari karto inaad ka demiso balaaga si aad u joojiso asal ahaan waxa dabka sababey oo ah xooga korontada ee soo geleysa sheygaas gubanaaya, isla markaasna adku demiso demiyaha saxda ahee kaarboon laba oksaydhlaha “CO2” ammaseba bowdharka engegan           “Dry Powder”, laakiinse aanad u dhoweynin biyo.

La Soco Qaybta 9aad:

Waxaa noo soo diyaariyey:

Sareeye Guuto:  Axmed Maxamed xassan (Sawaxili).

Taliyaha Ciidanka Dabemiska Qaranka SL.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker