Nin Dhargay Taladiisu, Waa isla Dhac Dhaylada, isna la Dhac Dhuun Casta.

Nin dhargay taladiisu

Waa isla dhac dhaylada

Isna la dhac dhuun casta

Dheel dheelbuu wadaayoo

Oohinta  dhalaanka iyo

Dumarku dhagahiisa

Dhawaq raaxo lihiyo

Heesta dhiindhiinbay u tahaye.!!..

…..(HiilDan)….

 

 

 Diirada HiilDan, waxaynu dul saari doonnaa, dactarada iyo dulmiga ka taagan degaanada buuralayda iyo bada cas ee galbeedka Somalialnd. Insha Allahu Tacaalaa..

 

Dadka wada daga  Galbeedka Somaliland, gaar ahaan xeebaha gobolada Awdal/Salal, waa dad mudadii ay jirtay Somaliland oo dhan, ku jiray Abaaro iyo aafooyin dabiici ah, oo dad iyo duunyaba naafeeyay. Hadana wa dad niyada ka Qaniya, oo intii itaalkooda ah aad iyo aad u dadaalaya, aadna u jecel dalkooda iyo dawladooda. Balse ayaan darro, Colaado isa soo taraya, oo gacmo shisheeye  ku lug leeyihiin ayaa laga dhex huriyaa dadkaas masaakiinta ahee u badan Danyarta reer Somaliland.

 

Danyartaas wada deggan Buuralayda iyo Badda Cas ee  galbeedka Somaliland, waa dad  isu ahdhal iyo dhasheed , oo haduu midkood dheeliyo, midka kalana dhaawacmo. Hayeeshee nin dhoohan oo  dhargay, oo laga yaabo inaanu  dalkaba  arag, una dhalan, ama deganaynba, oo dhibta taalana ogaynba, ayaa dhagarta u maleegaya, oo  dabka isugu dhiibaya. Waxan rajaynaa in danyarta degaanadaasi heshiiyaan, oo ka durkaan iskana diidaan, dabinada uu nin dhargay u daadinayo, 

 

Nin dhargay, nin dheef haynin,

Uma laha dhaayoo

Dhulkaba wuxu u haystaa

In dhayda iyo xoorka iyo

Lagu dhamo gadhoodhkoo

Lagu wadaago dhaylada

 

Markuu dibiro dhaansado

Ayuu Nin dharaaro qatanaa

Oo Dhafaroodu goteenoo

Dhudhun qori uu ku qaadiyo

Dhumucba an lahaynbuu

U dhiibaa Rasaastoo

Dhagarta u maleegaaye

 

Ninkan dhargay taladiisu

Waa isla dhac dhaylada

Isna la dhac dhuun casta

Dheel dheelbuu wadaayoo

Oohinta  dhalaanka iyo

Dumarku dhagahiisa

Dhawq raaxo lihiyo

Heesta dhiindhiinbay u tahaye.!!

 

 

Haddayse is  dhagaystaan

Danyartu is dheehdaan

Inta is dhashay is dhawraan

Dhabta iyo xaqiiqda eegaan

Ninka dhargay taladiisa

Dhagaha umay daloosheene

Dhagaxbay ku dili lahaayeen.

 

 

Ilaahaybaa Mahad Leh, Muxammadbaa Sharaf Leh

 

Cabdiqani Suldaan (Abwaan HiilDan)

Hargaysa – Somaliland.

Hiildanyare@yahoo.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker