Ma Tarsan safiir cidi ka dhigatay? Tolaay, dibloomaasiyadii!,

Qosolkii baan deyn kari waayey markaan akhriyey, Tarsan oo aan ku ogaa Internet cafe ku yaal waqooyiga London, oo aan iskool dhameyn, jaamicad iska daa, oo an xitaa farta qori karin, ayey dawladda Xamar lagu ilaalinayaa safiir ka dhigatay..oo immikana laga soo eryay, Kenya!

 Waar waxaas oo kale ma aragteen. Buuggii “Mayor Of Mogadishu” oo ahaa buug dacaayad ka buuxda, oo Soomaali lagu qoslayo, oo markuu Mayorka Muqdisho ahaa, ee uu khasnadii iyo dhulkiiba iibsaday, ee uu heestii “Aabbe Siyaad” ku qaadayey, ileen ciyaal dhallintii kacaanka ayuu ahaa, ayaa maanta Nairobi laga soo eryay.
Af-Swaaxiili ma yaqaan, Af-Ingiriisi iska daa warkiis, habka dibloomaasiga maalin cashar kamuu qaadan, waa taa xidhiidhkii la kala jartay. Caqli muqaful. Walee, kuwani weligood Somaliland waxba kama qaadayaan. Show dadyahow, Soomaali inta deggan wixii waqooyiga ka xiga Gaalkacyo baa indho u ahaa.
Tolaay. Dibloomaasiyadii
Xaaji Kariye
ruraledcomm44@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker