Ina kaahin oo ku faraxsan dhibtuu ka sameeyey degmada saylac rabana inuu fashiliyo Madaxweyne Muuse biixi:xaajada markii aan fasiray oon, faalka dib u eegay Ma fayoobid,Ina kaahinow oo daalinbaad tahaye.by rooble geedi

Ina kaahin oo ku faraxsan dhibtuu ka sameeyey degmada saylac rabana inuu fashiliyo Madaxweyne Muuse biixi:xaajada markii aan fasiray oon, faalka dib u eegay Ma fayoobid,Ina kaahinow oo daalinbaad tahaye.by rooble geedi

Beryahan danbe waxaa soo badanaaya hadal haynta in wasiirka arimaha gudaha JSL Mr kaahin inuu yahay ninka hurinaaya labada beelood ee walaalaha ah ee wada dega degmada saylac.

Maxamed kaahin wuxuu rabaa inuu dagaalkii ceel afweyn uu u soo weeciyey degmada saylac taasina waxay keeneysaa in dagaal sokeeye uu rabo inuu ka dhaco degmada saylac taasina waxay abuuri kartaa dhib ay somaliland ku burburto.

Hadaba dadbadan ayaa waxay leeyihiin ina kaahin wuxuu rabaa inuu fashiliyo xukumada madaxweyne Muuse biixi arimo siyaasadeed madaama uu ka rajo dhigey inuu noqdo musdaqbalka murashaxa xisbiga kulmiye 4 afar sano kadib taasi markuu ogaadey inaanu waxba ku heleyn ayuu ina kaahin wuxuu bilaabey inuu isku dayo burburinta shirka xisbiga kulmiye ee bishan ka dhacaaya magaalada borama.

Gabaygan: Falagii cirkaan goor fad dhacay, kaaga faal dayaye,Xiddigaha faseexnimo markaan, faqay amuurtaada,Fatwaduba waxay sheegaysaa, faawal kaa dhacaye,Hadda fayl kolkaan soo fasaxo, foorad baan ridiye,Firinbiga ma kuu yeedhiyaa, mise far baataagan?

Maxaa ugu jira ina kaahin inuu qayb ka noqdo isku dirka beelaha wada dhashay? Sideedaba ina kaahin waa nin reer bari ah aqoona u male degaanka lkn wuxuu doonayaa inuu iskudilo dadkaa degaanka ilaahay wada dhigey,uuna bilaabey durba lkn iney u suurta gali iyo in kale lama garanaayo.

Gabay: Adigaase faagfaagayoo, falaya beertiise,Fallaadhiisu goortay wadnaha, faydo ubucdiisa,Fidno iyo waxaa soo if bixi, falal adduunyaade,Fiix iyo xanuun buu ku badi, finan ad eedaaye,Facebook sidaad ugu jirtay ood, falawda haysaaba,Waa kaa mar kugu soo fatahay, furuq sidiisiiye,Figta xariirad iyo ilaa, fooskii heemaal ,Fiidmeer sideedii ayaad, fiidka carartaayee,Maro laba fardada iyo surwaal, fiiqan kuu galiye,Fuyuuskana inuu kaa gubood, fiishtay la ogsoonye,xaajada markii aan fasiray oon, faalka dib u eegay,Ma fayoobid oo waxan arkaa, farax la’aantaaye,intay taladu farahaa ka bixin, garo fogaanteeda.

Wararka naga soo gaadhaaya madaxtooyada JSL ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne muuse biixi uu fahmay ina kaahin inuu qalalaasaha meesha ka jira uu dabka shidaayo lkn somalidu waxay tidhaahdaa war jiraaba banaanka ayuu iman.

By Mid roobe Geedi

Rooblegeedi@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker