Macalimiinta Ka hawlaga Dugsiyada Oodweyne Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha JSL

Oodweyne(OWN) Qaar kamid ah Barayaasha Dugsiyada Magaalada Oodweyne ayaa Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland Ku Bogaadiay Magcaabista Maamulka Cusub ee uu Gobolka Usoo Magcaabay,taasi oo ay tilmaameen in ay bulshadu gobolka beryahanba u oomanaayeen maamul shaqaynaya,waxana Barayaashu qoraal ay soo gaadhsiiyeen Shabakada Oodweynenews Udhignaa Sadatan.

“Anagoo ah bahda Waxbarashada Gobolka Daad-Madheedh gaar ahaan Macallimiinta ka Hawl-gasha Dugsiga Sare ee Oodweyne Secondery School iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Haragwaafi waxanu halkan hanbalyo uga diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi angoo uga mahad-celinayna isbadalka uu ku sameyey madaxda Gobolka,waxan kaloo soo dhoweynaynaa madaxda cusub ee Gobolka loosoo igmaday, Kuwaasi oo aanu rajaynayno inay gobolka ku hagidoonaan wadada horumarka iyadoo bulshadu u oomanayd Madax-Waxqabad”.

Ugudanbayntiina Waxa mudo kusiman Saddex Maalmood oo ay magcawnaayeen Madaxdan Cusubi isa soo tarayay tarayay dhanbaalada hanbalyada iyo soo dhoweynta maamulkan cusub ee gobolka loosoo magcaabay Taasi oo ka markhaati kacaysa sida ay bushada gobolku uga Daaleen Maamulkii fadhiidka ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker