Oodweyne News - Latest Somali News Update

“WAXA LOOGA SII DARAY NINKII MAQASHA DAAYACAY MARKII GEELA LOO DIREY” Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa 2012-2019

Hordhac
Dawlada hoose ee Hargeysa oo ay usoo kala danbeeyeen maamulo
kala duwan tan iyo intii dagaalada ka danbeysay, iyada oo ay
maayirada caasimadu soo mareen nidaamo kala duwan oo ay ku
yimaadaan ilaa laga soo gaadhay in doorashooyin gollayaal deegaan
la qabto, halkaasna ay bulshadu ku doorato xildhibaanada golaha
deegaanka.
Dawladaha hoose waa halka ugu hooseysa hab maamul dawladeed
ahaan, waa halka loogu talo galey in ay bulshada si toos ah isugu
xidhnaadaan isla markaana ka jawaab celiyaan hadba baahiyaha ay
bulshadu tabanayso. Iyada oo aanay ahayn meel loogu talo galey in
loo soo macaash doonto, balse u jeedada u weyn ee meesha taala ay
tahey sidii bulshada loogu adeegi lahaa.
Magaalada Hargeysi waxa ay ka mid tahey magaalooyinka sida
aadka ah u koraya, isla jeerkaasna bulshada u badani ku dhaqan
tahey guud ahaanba Somaliland. walow aanay jirin tirakoob sax ah
oo wali ka hir galay wadanka. Waxa lagu qiyaasay shan sano ka hor
in ay dagan yihiin 1.2 million (UNFPA, 2014). Korodhka bulshada
waxa barbar socda dhaqdhaqaaqyada dhaqan dhaqaale ee ay
bulshadaa kordhaysaa wadato taasi oo ka dhigaysa magaalooyinka
Somaliland kuwooda ugu dakhliga badan.
Haddaba, waxa doorashdii u danbeysay ee gollaha deegaanka gabi
ahaanba Somaliland qabsoomeen dabayaaqadii sanadkii 2012,
halkaas oo lagu doortay golle deegaan oo cusub. Dabcan Hargeysa
oo caasimadii ah ayaa ugu tiro badnayd, oo tirada xildhibaanadeedu
ahaayeen 29 sida uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada &
degmooyinka Somaliland xeer Lr 23/2002.
Maxaa is badelay mudadaa 2012-2019
Mudadaa ay xilka hayeen gollaha deegaanka ee hadda khaatumadii
ku jira ee uu gadhwadeenka ka yahey Mayor Cabdiraxmaan waxa
dhacay isbadeladan.
1. Waxa aad u adkaadey XIDHIIDHKII KA
DHAXEEYAY BULSHADA KU DHAQAN
MAGAALADA HARGEYSA & DAWLADDA HOOSE
EE HARGEYSA.
Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo mudadaa maalinba
maalinta kasii danbaysay ay sii kala fogaanayeen xidhiidhkii ay la
lahaayeen gollahooda deegaanka & xafiisyada dawladda hooseba,
aynu ka eegno dhawr dhinac
 Helista adeegyada ay bulshadu u baahantahay: kuyuuga ay
bulshadu ugu jirto xafiiska dawladda hoose ee Hargeysa &
jahawareerka haysta waa mid ka muuqda albaabada laga galo
xarunta dawladda hoose ee Hargeysa. Iyada oo ay adagtahey in
la helo shaqaale & maamul sidii loogu talo galay u gudanaya
waajibaadkooda shaqo, saacadihii shaqadana shaqeynaya. Sidoo
kale waxa ay dayaceen adeegyadii koobnaa ee ay u hayeen
bulshada oo ay ka mid tahey Qashinka & Maamulkiisa.
Qashinku waxa uu ka mid yahey caqabadaha u waaweyn ee ay
la tacaalayso bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysi, iyada oo
gabi ahaanba lagu wareejiyey shirkado gaar ah, kuwaasi oo aan
dabagal & lasocodkii loo baahnaa lagu sameynin. Taasi waxa ay
keentay in qashinkii si siman looga qaadin bulshadii ku
dhaqnayd magaalada Harge
keentay in qashin badan la soo raaciyo daadadka, dabadeedna
laamidii uu ku hadho qashinku.
 Shariciyeynta Dhulka & jeexista dhismayaasha: hawshan oo ay
dawlada hoose gacanta ku hayso ayaa shacabka ku abuurtay baqdin
ay ka qabaan xafiisyadii dawladda hoose ee ay la xidhiidhi
lahaayeen. Iyada oo qofka ugu hagaaga in hawsha kaga xidhan
xafiisyada uu u baahan yahey wakhti badan & lacag badani kaga
baxayso ku noqnoqoshada dawladda hoose, taasina ay kalliftay in
bulshadii in badan oo kamid ahi ku dhici weydo in ku hagaagto
dawladii hoose dabadeed ay ku khasbanaadeen in ay dirtaan cid ka
mid ah shaqaalaha dawladda hoose oo ay lacag ku siiyaan si ay ugu
soo sharciyeeyaan dhulkaa.
2. WADOOYINKII MAGAALADA OO BOHOLO &
DOOXYO ISKU BADELAY.
Wadooyin cusub oo soo kordha hadalkooda daa, kuwii hore ayaa
wada godad noqday. Mararka qaar dayactir qosol ku jab ah ayaa
lagu sameeyaa oo godadka lagu yara rakco kuwaas oo bil kadib
halkoodii kusoo noqda. Marka hal wado la hagaajiyo sida looga soo
yaacayo kuwa godadka leh ayey taasina cidhiidhi & kuyuu noqotaa.
Marka uu roobku ku da,o magaalada Hargeysa wadooyinku waxay
noqdaan dooxyo xashiishka & qudhunku dhex yaacayaan,
markaasaad is weydiinaysaa meeshu ma waday ahaan jirtay beri.
Badhtanka Maagalada Hargeysa
Wadada Dahabshiil gargaar koonfur uga baxda
Dhibta ka taagan Suuqyada Hargeysa
Dadka suuqyada Hargeysa ku ganacsada ee danyarta ah waxay
qabaan duruufo adag oo aanay cidi uga garaabin. Waa la burburiyaa
iyaga oo ku guda jira hawl maalmeedkoodii ay ku raadsanayeen
quutal daruuriga qoysaskooda. Qorshe looma sameeyo, bacadkooda
& banaankoodana looma daayo. Meesha laga rarona iyada oo aan
wax qorshe ah loo hayn baa cagaf lagu qaadaa. Ganasatadaa oo u
badan hooyooyin kaaryoonayaal & maqaaxiyo ku haysta
wadooyinka hareerahooda.
Suuqayada waaweyn ee Hargeysi malaha meelo loogu talo galay in
baabuurta la dhigto. Xiliyada saxmada ee dadku suuqyada usoo
baxaan waxaa wakhtiga kaa qaadaya cidhiidhiga wadada ka jira iyo
raadinta meel aad gaadhiga dhigato (Parking).
Ganacsiyo yar yar oo cagaf la galiyey Suuqa Hoose ee Hargeysa
Suuqa Hoose ee Hargeysa
Sidoo kale waxa aan gabi ahaanba suuqa Hargeysa ka jirin musqulo
ay dadweynuhu isticmaalaan, taasi oo ay markasta cabasho ka
muujiyaan haweenka ku ganacada suuqyada magaalada Hargeysa
Dakhliga Degmooyinka qaar & Dayaca ka muuqda
Wadooyinka ugu saxmada badan magaalada uguna dayaca &
burburka badan waxa ay ku yaalaan degmooyinka Ibraahim
Koodbuur 26 ka June & Gacan Libaax. Oo ay ku yaalaan suuqyo
ay ka mid yihiin suuqa weyn ee wa
Jigjiga yar
Wadada 150 ka
Wadada 150 ka
Wadada Maxkamada G/Marodi-Jeex hormarta
Wadada ku laabata masjidu Daarul-Imaan
Bilicda Guud ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa, Somaliland
Hargeysi iyada oo aan lahayn wadooyin waaweyn iyo qorshe ay ku
dhisan tahey (Master Plan & Town Plan) & sidoo kale shuruucdii
dhiska (Zoning Regulations) oo awal horeba nidaam la,aan la
baaba,sanayd oo qashinku wadooyinka waaweyn buuxo ayey
haddana lama dagaan isku sii badelaysaa oo dhanka dhiraynta ay ka
tahey eber. Qalaylka & bacadka magaalada badhtankeeda ka
dhacaya haddii aad xilliyada duhurkii lugayso waxa aad moodaysaa
in aad tahriibtay oo aad saxare ku dhex luntay. Daalka waxa kuu
dheeraanaya indho xanuun marka ay gidaarada & bacadku isku kaa
dhiibdhiibaan. Sawirka kor ka muuqdaa waa muuqaalka guud ee
magaalada Hargeysa, bal aynu barbar dhigno muuqaalka guud ee
Magaalada Kigali oo ah magaalo aynu isku da,a nahay hadaynaan
kaba weynayn magaalo ahaan dib u dhiskeedii.
Kigali, Rwanda
Gabagabo
Magaalada Hargeysi waa magaalo agoon ah oo rajo ah, shacabkeedi
uma hiilin, golaheedii deegaankuna wakaa usoo boobka tagey.
Dhulalka la qorsheeyo waxa laga jara dhul dan guud ah oo loogu
talo galay in laga dhiso iskuulada, Madarasadaha, Masaajida,
xanaanooyinka, suuqyada & xabaalaha. Waxna dadka sadaqo kula
baxa waxna ganacsi bay ku jiraanba. Dhamaan dhulalkaasi loo jaro
danta guud meel ay maraan ma aragno.
Cashuuraha ka bulsho ahaan nalaga uruuriyo ma aragno wax lagu
qabto. Magaaladu gudo & dibad ba waa ka dayacan tahey.
XEERKA ISMAAMULKA GOBOLADA & DEGMOOYINKA JSL XEER Lr 23/2003,
xeerkani waa xeerka u baaladhan ee loogu talo galay in lagu hago
dawladaha hoose ee JSL, xeerkani waa tilmaamaha koobaad ee
bixiya hab maamulka & hawl gudashada gollaha deegaanada JSL &
waliba xafiisyada dawladda hoose. Muwaadin madaama aad
dooratay gollahaaga deegaanka sidoo kale waad kala diri kartaa..
QOODOBKA 29’aad
KALA DIRIDDA GOLAHA.
1. Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la‟aan,
Degmooyinka Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi
waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4
Kalfadhi oo isku xiga sabab la‟aan u qabsoomi waayaan.
2. Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na
ansixiyaan.
3. Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo
madaxweynuhu u magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan
gefafka dhacay ee lidka ku ah xilgudashadooda warbixin iyo
talooyin cadna ka keenaan.
1. Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada
“A” (5,000) Shan Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan
galiyaankuna hor saxeexaan,soona jeediyaan in la kala diro Golaha
sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D” na waa
2000 ooQof.
2. Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u
shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan
yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga
doorashooyinku jideeyeen.
3. Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku
qanco, hubiyana xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku sifoobeen
Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee sababta kala dirida Golaha, wuxuu
Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha,
una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah
ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda awooda u
leh kala diridooda ee Heer gobol
hibafaakhir@gmail.com
References
UNFPA. (2014). Population estimation Survey.