Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray, Shacbiga Somaliland iyo Ganaraal Maxamed Cali Baadiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xuseen (Cali Baadiye) oo ku geeriyooday caawa  oo ay taariikhdu ahayd 11/02/2019, Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka Ganaraal Maxamed Cali Baadiye oo uu marxuumku aabihii ahaa iyo dhammaan qoyska reer Cali Baadiye.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker