Maanso : Kuman-yaal milyuun
Kow kowba uma soo qabsado
Kaafka maansada,e
Balse kibir markuu muuqdabaan
Soo kilkili yaaye
Kasii daran ayay xaajadii
Kuududaa timiye
Kuman yaal milyuunbaan lunsaday
Keene golihiiye
Waa kala badh S/LAAN intii
Shaahba aan karine
.
Kan xeraystay waxoodi haddana
Weli ku soo taagan
Ee kabaa uisii xidhan wax badan
Een karbaash mudanin
Koon-kaba waxaan laga aqoon
Yay kunbana yaane
Kadab-kood go, xaaraanta way
Korin yaqaanaane
Kulmiyaha intii tuug ahayd
Yaa kuraasta ahe
.
Kuligood sujuud baa wejiga
Bari ku taalaaye
Ka xishooda may garan intaa
Kiish la buuxsadaye
Inta ay karaar-kaa yihiin
Xuma ukooraysan
Kor ma qaban salaadoodiyoo
Waa killaal dhexe,e
Kufsi weeye qarankii dhammaan
Kaa halla ogaado.
MOHOLIN .