Luuqadda Hindiga oo ka mid noqotay Luqadaha looga hadli doono Maxkamadaha Imaaraadka

Luqadaha Carabiga iyo Englishka, magaalladda Dubai ayaa waxay luqadda Hindida ka dhigtay Luqadda 3-aad ee sida rasmiga loogu isticmaalayo Maxkamadaha ku yaalla Dubai.

Waaxda Garsoorka ee magaalladda Dubai ayaa sheegtay inay kordhisay Luqadaha lagu soo qori karo Dacwadaha loo soo gudbinayo Maxkamadaha, iyadoo Luqadda Hindiga ka mid noqotay Luqadaaha lagu soo qori karo Dacwadaha, oo ay ku jiraan Kiisaska dhinaca Shaqada iyo Shaqaalaha.

 

Arrintaasi ayaa la sheegay in lagu taageerayo dadka Hindida si ay u bartaan dhacdooyinka Maxkamadaha, Xuquuqdooa iyo Waajibaadkooda, iyadoo aysan jirin xayiraad dhinaca Luqadda.

Tirada Guud ee Jaalliyadda Hidnida ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta waxaa lagu qiyaasay 2.8 million oo qof, waana jaalliyadda ugu ballaaran ee ku nool dalkaasi.

 

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha dalka Imaaaraadka, ahna Wasiirka Arrimaha Madaxtooyada ee daalka Imaaaradka Carabta, Sheekh Mansuur Bin Zaayid Al-nahyaani ayaa la sheegay inuu bixiyey amarka Ballaarinta Luqadaha sida rasmiga loogu adeegsan karo dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, bishii November ee sannadkii hore ayey Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ansixisay in Luqadda English-ka tahay Luqadda 2-aad ee dalkaasi, iyadoo dadka Ajaaniibta loo oggolaaday inay Dukumentiyadooda ku aadan Kiisaska Maddaniga iyo Ganacsiga ku qoran karaan Luqadda Englishka.

https://timesofindia.indiatimes.com/india/abu-dhabi-includes-hindi-as-third-official-court-language/articleshow/67925348.cms

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker