Khilaaf Cakiran Oo Ka Dhex Aloosan Maamulaha Iskuulka Maxamuud Axmed Cali Iyo Barayaasha Iskuulkaasi + Dacwad La Xidhiidh Aririntaasi Oo Wasaaradda Waxbarashada Loo Gudbiyey

Khilaaf cakiran ayaan ka dhex aloosanaa mudooyinkii ugu dambeeyey qaar kamid ah macalimiinta iskuulka Maxamuud Axmed Cali iyo maamulaha iskuulkaas, kaasi hakad geliyey geedigii wax-barasho ee iskuulkaas,iyadoo ay maal-mihii u dambeeyey dacwado la xidhiidh arrintaas la sheegay in la gaadhsiiyey wasaaradda wax-barashada Somaliland.

 

Khilaafkan iskuulka Maxamuud Axmed Cali ee u dhaxeeya maamulka iyo macalimiinta, ayaa la sheegay inuu curiyey maamulaha iskuulka Deeq Muuse Guuleed, ka dib markii uu afar macalin oo kamid ahaa barayaasha iskuulkaa uu eryey , kuwaas oo ahaa macalimiinta loogu jecel-yahay iskuulka, waxaana la sheegay inay hadda ka hawlgalaan dugsiyo kale.

 

Wararka ayaa intaasi ku daray in qaar kamid ah shaqaalaha ka hawlgala iskuulkaasi uu maamuluhu ka lunsaday gunooyinkii ay xaqa u lahayeen, waxaanay arrintaasi abuurtay khilaaf soo kala dhex-gala maamule Deeq Muuse Guuleed iyo shaqaalaha oo ku andacoonayaa inuu lunsaday gunadoodii ay qaadan jiraan, waxaana hadda shaqaalahaasi u gudbiyeen dacwad la xidhiidha arrintaas wasaarada waxbarashada Somaliland.

 

Geesta kalene waxa la sheegay in  maamulka wasaaradda waxbarshada  qaybta bariga iyo koonfurta Hargeysa  ay isku dayeen inay xaliyaan khilaafkaasi ka taagan iskuulka, balse ay ku guul-daraysteen inay xaliyaan .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker