” Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada”. Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge

“Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha Cusubi Wuu Ka Guuray Madaxtooyadii Si Uu Kharashka Badan Ee Madaxtooyada Ku Baxa Shacabka Wax Loogu Qabto! Adna Adoo Gajoonayaa Ayaad Doonaysaa In Aad Mid Dhisato”

 

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah Siyaasiyiinta Da’da yare, horena Xil Wasiir ku xigeen uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa ka hadlay Weerarka Bahalnimadda ah ee lagu soo qaaday Wargeyska Foore.

 

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn!!!

 

Waxa kale oo uu yidhi“Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka!!”.

 

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker