Waa la og yahay inaan Turkigu dhex dhexaad ka ahaWadahadalada Somaliland iyo Somalia ee maxaa loogu ogolaaday inuu hawshaa galo

Ma Jiro manta qof  Somaliland u dhashay oo aan ka war hayn ujeedada uu Turkigu ka leeyahay wada hadalada  Somaliland  iyo Somalia.
taasi waata keentay in bulshada Somaliland ka aamin kabaxdo  waxa dhex dhexaadinta lagu sheegay ee Turkiga,.
Hawsha ugu weyn ee Turkigu  qabtay welina qabanaya ,waa in uu inoo hoosaasiyo dawlad ku sheegta Somalia. oo qorshaysay in ay Somaliland burburiso  iyada oo aan wada hadalba dhicin.  Turkigu intu ina hoosaasinaaye waxa kale  oo uu  maamulka Somalia  ka caawiye dhinac kasta , xataa wuxuu u dhisay  cidankii innagu  soo duuli laha mustaqbalka hadii ay awoodaan .
Maamulka Somalia na dhankiisa wuxuu ka bilaabay inuu   innagu soo duulo isaga oo ka faaiidaysanay  maamul beeleedka la magac baxay Puntland iyo Doorashdii Madxweynaha ee Somaliland ka qasoontay .wuxuu lacag badan ku bixiye   inuu baraha  bulshada iyo warbaahinta  ku kala jebiyo  shacbka Somaliland, LAAKIN ALLAH MAHADII WAXBA UMAY SUURTO GELIN,umana suurto galayaan , Sababtaa weeye ta Turkigu   uu culayska innagu saaryo ,ilaa  aye gaadhayaan heer ay Somaliland jelciyiin  iyada oo aan  natiijaba laga gadhin wada hadalada.
waxaan aad uga Xumahay in Xukuumada iyo Xisbiga Wadani midna aanay u hogaansamin rabitaanka Shacabka, oo iska daa wada hadloo aye xaaraan tahay in  xataa qof Turki sheegta wadankeena lagu soo dhaweeyo.
 Somalidu waxay ku maahmaahda mayd maxaa uGu dambeeye iyo kaa la siisido, wasiirkii Beeraha ee mamulka  la magac baxaye Somalia waxaa soo dahweeye wasiirka beeraha ee Turkiga  ,keenana waxaa soo dhaweeye mid agaasimo waaxeed ah.
Waxaas oo dhan waxaa ka soo soko maray in ismaamulka la magac baxay Somalia  heshiisyadii hore  jebiye ( iyada oo qodob qodob loo sharxaayo) iyo in Somalia  ka hor goosatay  Somaliland oo ahayd MOTHER COUNTRY ,markaana  ka baxaday magacii  lagu wada  midoobay ee aha  Jamhuuriyada Somali  iyada wadan la yidha Somalaia  beesha caalamka kula macaamisha. Sidaana   beesha Caalamka  iyo dhinacayidii shirkii London loo xil saaray arinkan  qoraal loogu sheego ,sidaa darted aanay haboonay in Somaliland lagu qasbo in mar dambe wada hadal la gasho   wadankaa isagu hor goostay ee Somalia la baxay,  waaayo lama aamini karo , beesha caalamkuna ay dawlad u aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland ee barakaysan..
Hadiise aye dhacdo wadahadal in lala yeesho gooni goosadka Somalia  waa in marka hore laysla qira qodobadan soo socda
  1. in  Maxmiyadii Ingriiska ee Somaliland  26 juun 1960  dala madax banaan ku noqotay  magaca State of Somaliland ,magacaana heshiisyo laga Diwaan geliye UNta kula gashay wadamo kale ( dabaaldagii  xornimada lagu casuumay wafdi  ka socday Somaliada aan weli xoroobin   wafdigaana uu watay Aden Cabadalla Cisman)
  2. In markaa ay State of Somaliland Xor ahayd  Somalia na ay ahayd wisaayada UNta ee Italian Somalia
  3. In magacayada labada dhinac siteen ay ahaayeen laba magac oo midna Af Ingriis yahay  midna af Latin yahay.
  4. In 1dii July   dawladii xorta ahyd  ee Somaliland iyo Somalia oo maalinta Xornimada qaadatay wada galeen midow illa imika muran ka taagan yahay sharciyadiisa.
  5. in labadii dhinac ee isu tagay la baxeen  Jamhuuriyada Somali,ama Somali Republic ama Republica Somalo.
  6.  in inti la soo dhisay dawlad labada dhinac u dhan yihiin aye dawladii Somaliland ee Maxamad Xaaji Ibrahim Cigaal  ahay dawlad KMG ee  wadanka cusub ee midoobay .
  7.  in  State of Somaliland iyo Somalia  kala wateen laba Act of Union,laakin  ki Somalia oo aan laga hesheen   Somaliland lagu qasbay
  8. in 1990 ay burburtay ( failed) dawladii la rumaysnaa inlagu midoobay  sidaan  hafy jirtayba ay ku burburtay shariciyadii midowgu,
  9. In  EX South Somali Republic  iskeed uGu dhawaaqday dawalad la na soo noqotay magacii ay 1960 k hor wadatay  tuurtayna Jamhuriyadi Somali,sidaa darteedna isku magacowday wadan ka goostay mother Country gii oo aha Somaliland
  10.  in taasi tahay ta keentay in Iyana Somaliland ka tashato in aanay ku dhicin qaladkii ay lixdankii gashay  oo ahaa in jibo waalan Somalai ula midowday ,sidaa darted marka arkeen in Somalia dawlad dhisatay iyada oo aan la tashan   aqlabiyada Somaliland  ay  sharci tahay in Iyana la soo noqdaan dawladnimadoodii.

Shuurada uGu muhiimsan  waxa weeye in aan dhinaca Somalia marnaba  wafdigooda lagu soo darin  qof Somaliland ka soo jeeda.

 

 

in aan Shirka marnaba Turkiga lagu qabana ,waxaan ka sii daran in manta safiir Somaliland ka soo jeeda uu u fadhiyo Turkiga .

 

 

Account Security

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker