Tahriibka Oo laga Joojiyey Puntland

Hay’addaha ammaanka deeganada Puntland, ayaa waxa ay tahriibka ka joojiyeen deeganada Maamulkaasi oo la og yahay in Ajaanib & Somali intaba ay ka tahriibaan.

Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in mamnuuc ay tahay in laga tahriibo deeganada Puntland.

 

Wuxuu sheegay dadka wax tahriibiya in tallaabo adag laga qaado oo arrintaasi ay u fasaxan yihiin Ciidamada ammaanka Puntland in dadkaasi tallaabo adag ka qaadaan.

 

“Dhamaan Ciidamada Qaybaha Booliska waxaan farayaa tahriibka inuu xaaraan yahay, muddo ayaa la xalaaleystay dib ayaan u soo celinay, qofkii qaada, qofkii rara, kan doon ku qaada intaba waa isku mid sharciga ayaana lala tiigsanayaa, Koontaroolkii uu soo dhaafo gaari dad tahriib ah, waxaan amar ku bixinayaa dhamaan dadka jooga in la soo xiro.” Ayuu yidhi Taliyaha Booliska Puntland.

 

Jeneraal Muxudiin ayaa sidoo kale sheegay gaarigii lagu soo qaado dad tahriib u socda in Ciidamada ay amar u qabaan inay la wareegaan gaarigaasi sidii horay sharciga uga yaalay.

 

Puntland ayaa u aragta joojinta tahriibka deeganada Maamulkaasi inay sahleyso suggida ammaanka Magaalada Boosaaso oo falal amnidaro ay ka dhacaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker