Sidee looga baxaa qabyaladan ina afeysey?

Wayadii danbe waxaa Somaliland aad ugu soo fatahay webiyo burqanaya oo qabyalad ah waxayna samayn weyn ku yelatay yar iyo weynba meelkasta oo ay ku dhaqanyihiin bulashada ku abtirsata jamhuriyada somaliland haba ugu daraato inta ka soo jeeda gobolada dhexe ama dadku ugu yedhaan beesha dhexe .
Hadaba waxaa isweydiin leh xagay ka timi masiibadanai??
ka got intii aanu xukunka la wareegin xisbiga kulmiye ee ay dalka ka jirtey xukumadii UDUB ee uu dalka madaxweynaa ka ahaa mudane: Daahir Riyaale Kaahin  qabyaladu 80% way ka yarayd halka ay maanta marayso xukumadaa Udub na waxay ahayd mid awood u leh qofkii ay u aragto inay sharciga baal marayso inay gacan adag ku qabato waxay hadh cad  burco iyo hargeysaba ka qabanaysey siyasiyiin iyo saladiin ka mida kuwa ugu magaca weynle oo ay iyadu u arkeysey inay sharciga ka baydhen mana jirin  qoys ama reer qaylinayey oo lahaa angaa naloo jedaa .lkn  xukumadaha kala danbeeyey ee kulmiye  maaha kuwo awood u leh inay qof sharciga ku gafey talaabo ka qadaan oo markaba waa loo abtirinayaa qofka intaan la ogaan inuu denbi galay iyo in kale sharcigiina waxaa ka weynadey qabiilka. Kama wado hadalkayga xukumadaa kulmiye ayaa qabyalada abuuray lkn markii madaxnimadii is bedeshey oo madaxweynii noqday ninka soo jeeda dadka logu yeedho beesha dhexe waxaa bilabantay inay beesha dhexe lafteedii nolaysay qabyaldii waxaa iminka jaahwarer ku jira belihii darafyada degi jirey oo la meel ay kasoo galaan nidaamkii dawladnimo ee lawada dhistay cida qudha ee faraqa isku dheganina waa dadka dega dhexda somaliland
An raciyo xalku siduu iila muuqdo waaba haday dhacdee..
Somaliland way hagaagi lahayd hadii madaxweynaha loo dhiib qof kasoo jeeda darafyada somaliland ugama jeedo beesha dhexe wax ma maamuli karto lkn waxaan qabaa inay meesha ka bixi lahayd isu muqashada ay iyagu isu muuqdaan qolyaha darafyaduna waa dadka qudha ee qabyadu ku yartahay oo aan la walaqan dhoqada qabyaldeed ee dhexda somaliland afaysay.
Da,yarta somaliland ee aad moodo inuu xanuunkii iyo xumada qabyaldu aad u madax martay waxaan kula talin lahaa inay iyagu bilaban sidii bahashan  ina afaysay loo dabargoyn lahaa.
Qolaha qurbaha ee ka mida melaha qabyaldu ugu darantahay waxaan u soo jedin lahaa inay dadka ka dayaan qabyaladan intay afsomaligii ka tagtay baratay afafka qalaad ee lagaga hadlo dalka ay ku noolyihiin waxaaba la qatey marka labada la eego qabyaladaa daljoogta ah afsomaliga qudha taqaana iyadana fudud sida loo dabar jaraa
Wabilaahi tawfiiq
Qore: jamac maxamed farax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker