Sadex Dhacdo oo Bishan Somaliland ka dhacay oo hadii ay ka dhici laahaayeen Wadan kale, kacdoon shacab oo wax badala ayaa dhici lahaa.

Waxuu yidhi Degmadayada
” Dugsi kaliya baa jira
Diric kaliya baa dhiga
Darsi baanu baraa
Duliga iyo beentiyo
Doqonimo faankiyo
Qoqobkiyo dirsoociyo
Inta laga digoodiyo
Dawirsiga ka kowyahay
Digashadu u mudan tahay
Marka qalin daraalaha
Dilla sheega la cuskado
Imtixaanka loo dego
Ka dùldhiga jawaabaha
Doorka iyo waxkaradkaa
inta daadataa u badan. (Maansadii Hadraawi ee Dibadyaal ).

Waxaa dhawaan kulan ay yeesheen Gudi hooseedka u qaabilsan Baarlamanka Somaliland ilaalînta Hantida qaranka iyo Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire uu Gudoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Buubaa uu shir Jaraa’id oo Wasiirkuna agtaagnaa ku sheegay in ay Xukuumadu la daala dhacayso dayn badan oo 80 milyan oo Dollar ah, dayntaas oo ay kala wareegeen Xukuumadii Siraanyo ee ay Xukunka kala wareegeen 2017. Waxyar ka dib markii ay dhacdaasi soo baxday Dadkuna ay ka dareen celiyeen ayaa isla Wasiirkii arinkaa sheegay lagu qasbay inuu beeniyo in ay Xukumadu la wareegtay wax dayn ah. taasoo Dadka Siyaasada Somaliland faaleeyaa ay aaminsan yahiin in ay dayntaasi jirto si sharci daro ahna lagu qaatay waliba ayna ahayn Dayn Hawlaha shaqo ee Xukuumada loo isticmaalay balse ay tahay lacago beena oo lagu sheegay dayn ay Dowladu gashay oo la rabo in dad gaara loogu boobo Hantida yar ee Ummada, Dayn ku sheegaas oo ah 1/3 ( Sadex meelood oo meel ahaan Miisaaniyad sanadeedka Dowlada.)

Dhacdadii kale ee layaabka ahayd waxay ahayd, Isla Wasiirka Maaliyada oo ka qayb galay Maadaal lagu falan qeenaayay Miisaanida Dowlada ayaa kol uu ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsan xagay mareen kirada laga qaado DP World ee ee Dekada Berbera iyo Madaarka?, ayaa waxuu ku jawaabay wax aad looga anfariiro oo ah, ” Kirada Dekada waa 5 milyan oo dollar sanadkii wanaanu sii qadimanay oo kuma jirto Miisaaniyada sanadkan, ta Madaarkana maanu kireeyn ee waxaanu heshiish kula galnay inay mashaariic noo fuliyaan.”!!!. Waxaana hore u sheegay Madaxweynaha oo yidhi ” Waanu kireenay Madaarka Berbera, heshiishkuna waxa uu dhex maray anaga iyo Emirates oo kaliya oo cid sadexaad kuma jirto.” iyama ayaa run sheegaya tolow Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa?!!.

Waxa aad la yaab u leh inaanu xusin Wasiirku cadadka kirada ee ay sii qaateen?, halkay martay lacagtaasi? iyo inay ku dareen Miisanayadii sanadadii hore?. taasi oo iska cad in lacagahaasi malaayiinka dollar ah ee laga qaatay Emirates si shakhsiyana loogu tagri falay, Dalka iyo Dadkana aan waxba loogu qaban.

Arinka 3aad ee Musuqa weyn ah isna waxay ahayd markii TV ga Horn Cable uu baahiyay in si hoose loo siiyay Qandaraas dhaqaale badan ku kacaya Ganacsadaha Siyaasada dhagaraysan ka macaasha ee Ina Aw Saciid taas oo aan lasoo marin Haya’dii sharciga u lahayd Gudida Qandaraasyada Qaranka.

Hadaba, isku soo wada duubo sadexdaas Musuq ee aadka u balaadhan ee foolxumada badan ee bishan oo kaliya soo baxay hadii ay ka dhici lahayd Wadan kale oo Dadkiisii soo jeedaan waxay sababi lahayd inay la xisaabtamaan Madaxdooda, shareecyadana iskugu soo baxaan iyagaa oo dalbànaya isbadal dagdaga, laakin Dagalkayaga uma haystaan Hantida Dowlada ee lagu tagri falaayo inay Shacabku leeyahiin oo ay tahay Hantidii noloshooda aasaasiga wax lagaga qaban lahaa sida Biyaha, shaqo abuurka, Caafimaadka, Wadooyinka, Waxbarashada iyo tayeeynta Hayadaha Dowlada ee Fadhiidka ah.

Waxa kale oo iswaydiin leh xagay ka dhaceen Xusbiyadik Qaranka ee shaqadoodu ahayn in ay xakame u noqdaa Xukuumada jirta, Dadkana u iftiimiyaan khaladaadka ay Dowladu gasho?. Miyeey la qabaan oo iyana intooda yar bay iska qaataan? mise tabar daro ayeey ka tahay?. Dalka iyo Dadkuba waxay u baahan yahiin badbaado, Dalkuna waxuu marayaa in dad tiro yari ay boobeen hantidii Ummada, Dadka intii kalena ayna dabka waxba saaran oo ay baahi aduun iyo darxumo wehel la noqdeen.

By Abdi Ismail Abib
Anti Corruption activist.
Antwerpen, Belgium

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker