Muxuu Salka Ku Hayaa Sababaha Uu Shaqada Looga Joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Khayraadka Biyaha Iyo Khilaafka Waxa Sababay?

Maanta Waxaa Si Rasmi ah Shaqadii Wasaarada Looga joojiyay Agaasimihii Guud ee wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland kadib markii uu ku Gefay Shaqada Wasaarada Isla markaana La Sheegay inuu Laba Dibleeyey Hawl Maalmeedka Shaqo ee Qaranka Iyo Sidii Wasaaradaasi Hore Uga socon lahayd Halka ay taagan tahay tan iyo Intii Xilkaas Loo Igmaday Wasiirka Wasaarada biyaha Saleban Cali Koore Iyo Agaasimaha manta Shaqada Laga Hakiyay.
Shaqaalaha Wasaarada Biyaha Ayaa Agaasime Jamaal Cabdi Muuse ku Eedeeyey inuu Caqabad ku Yahay Wasaarada isla markaana Waxaa ay Tibaaxeen in Markasta Wasaarada Biyaha Uu Khilaafka Iyo Maamul Xumada Bilaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Loo Soo Magcaabo Waxaana ay Tan oo kale Ku Sifeeyeen inay hore uga dhacday Xukuumadii hore iyagoo kusoo Halqabsaday Miyaan Geedi baaboo Arligu Gelinba Waayeyn.
Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Lagu Sifeeyaa inaanu Lahayn Wax Khibrad ah,isagoo Aqoontiisuna Hoosayso Halka uu sidoo kale Isku Cuno Duubay Mushaharka Iyo gunooyinka Shaqaale Weynaha Wasaarada Horumarinta biyaha Iyo Qaar ka mid ah Isku duwayaasha Gobolada Dalka
Khilaafkan oo Salka Ku Haya Wadashaqayn La’aan uu Abuuray Agaasimaha guud ee Wasaarada Biyaha Jamaal cabdi Muuse Waxaana Tiraba Shan Goor soo Laabtay Qorshayaasha Hagardaamada ah ee uu Ninkani ku Kacaayo Xili uu Isku Dayayo inuu Qaado Qorshayaal Hore uu Khilaaf Noocan oo kale ah uga abuuray Wasaarada Xiligii Madaxweyne Siilaanyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Ina Naakhuude Iyo Wasiirkii Biyaha ee Xiligaasi Baashe Cali Jaamac oo Galaafatay Xilkii Wasiirkii Xiligaasi Kadib markii ina Naakhuude oo Ka Lib Haystay Madaxtooyadii Xiligaasi Uu Wasiirka Laaluush iyo been Abuur uu Ka Sameeyey Xilka looga Riixay.
Agaasimahan Dada Yar oo Caruur Ah ayaa La sheegayaa inuu Sidoo kale Isna ka lib Haysto qoyska Madaxtooyada Maadaama Ay Xaaskiisu tahay Sacad Muuse Isla markaana uu Qorshaynayo inuu Wasiir Koore Qorshaha Noocaasi Kula Beratamo Balse Waxaa aanu Ogayn In Xukuumada Madaxweyne Biixi ahayn Xukuumadii Siilaanyo Ee Ay talada Dalka hagayeen guurtida Aan Shaarubaha Lahayn.
Si kastaba Ha ahaatee Dhowaan ayay Ahayd Markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Khudbad Ku cadeeyey Awoodaha Wasaaradaha Qaranka isla markaana uu u Quusgooyay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xaqiijiyayna inaanu Laba Masuul U Wakiilan Wasaaradaha Balse uu Uga Wakiil yahay Wasiirka oo Keliya Waxaana Hadalka Madaxweynuhu u Dhignaa sidan “Anigu Wasaaradna Uma Dhiiban Laba Nin ee Wasiirka ayaa Wakiil uga Ah Qaranka hawlaha ay Hayso”
Ugu Danbayn Waxaa La Filayaa in Jamaal cabdi Muuse Qaado Tubtii uu Maray Agaasime cali Caliyoow Oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaarada Warfaafinta oo isku soo Taagay Wasiirka Wasaaradaasi Guri barwaaqo Kadibna Xilka Laga Qaaday.

 

TAAR TV CHANNEL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker