Jaamacada caalamiga ah ee Islamic online ayaa arday gaadhaysa 414 Arday oo baratay Luuqada Ingirisiiga ayaa Munaasibada Qalinjabin ah U Qabatay.

Hargeysa(OWN):-Jaamacada caalamiga ah eeIslamic Online University(IOU) ayaa Maanta Munaasibad Qiimo Badan u Qabatay Arday ka qalin jabisay Jaamacadaasi, taas oo lagu qabtay Hotel Grand Haddi.

Munaasibadan oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxaa ka soo qayb gallay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha , Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska iyo Afhayeenka Xisbiga Wadani, Suldaadiin, Xildhibaano, Waalidiin iyo Marti Sharaf kale oo Qiimo Badan.

Ardayda Qalinjabinta loo qabtay ayaa Bartay Luuqada Ingiriisiga. Waxaana ay Tiradoodu Dhamayd 414 Arday.

Munaasibadan oo ay Hadalo ka Jeediyeen Masuul ku Hadlay Afka Maamulka Jaamacada Jaamacada Islamic Online University, Ismacil Rajab ayaa Araydaasi u Hambalyeeyey waxaana sidoo kale uu Faahfaahin ka Bixiyey asaaskii jaamacadda iyo in uu hormood ka yahay Sheekha daaciga ah ee caalamiga Sheekh Dr. Bilal Philipps. Mr. Rajab wuxuu ka warbixiyey Ardayda Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo Mareen Ardaydan Qalin Jabinaysa iyo Guud ahaanba Jaamacada Islamic Online University. Intaa ka dib waxa isna hadlay Xildhibaan Sahal, oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland. Xildhibaanku wuxuu ku amaanay jaamacadda sida xilkasnimadda leh ee gubiyaan aqoonta ay ardaydda barayaan. Suldaan Axmed Naasir, oo ardayda ugu hambleyeeyay aqoonta ay barteen, kulana dardaarmay in ayna halkaa kaga hadhin ee ay sii wataan.

Sidoo Kale waxaa Munaasibadan ka Hadlay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Mud. Maxamed X. Aadan ayaa Ardaydaasi la Dardaarmay waxaana uu yidhi” Runtii Aqoontii Imikaad Bilowdeen waxaan doonayaa in aan idinla dardaarmo oo aad Weelaysaan Ereyadan, 1. Waa inaad joogtaysaan tagida goobaha Cilmiga 2. Inaad ku da’daashaan Akhriska si aad u Kobcisaan Aqoontiina , Qofku in uu wax akhriyo oo wax dhegaysto aqoontu maaha uun intaad macalinka ka baranayso 3. Inaad badsataan la saaxiibida iyo la joogida culimada iyo dadka aqoonta leh.“

Dhanka kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mud. Boos Mirre, oo isna Munaasibadan Hadla Kooban ka Jeediyey ayaa waxaa uu ardayda kula dardaarmay Dhankiisa “ Dhalinyaradan waxaan u rajaynayaa Guul iyo Barwaaqo in ay Gaadhaan , waxaa kale oo aan halkan uga sheegayaa ardayda anigoo ah wasiirka dhalinyarada iyo

ciyaaraha Siyaasad ahaan Dawlada uu Hogaaminayo Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi waxay ku Jihaysan tahay Dhalinyarada waxaan idiin sheegayaa in anagoo Joognay Muddo laba Bilooda in Madaxweynaha JSL uu Sameeyey Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Hal-Abuurka leh, sanduuqaasina iyaga ayaa laga caawin doonaa”p

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun oo hadalo ka Jeediyey Munaasibadan ay Jaamacada IOU u Qabatay Ardaydan Baratay Luuqadad Ingiriisiga waxaa uu yidhi” waxaynu u Baahanahay Kursi aad ku Fadhiisato Ama Mucaarid ama Muxaafid ahow oo wax badan laguma badali Karo , laakiin waxa wax lagu badalayaa waa Kalsoonida Shicibka , waxaa wax lagu badalayaa waa aqoontiina , waxaa wax lagu badalayaa rabitaanka Qaranimada islaanta suuqa baradhada ku Iibinaysa u Hayso , waxaa wax lagu badali karayaa shicib awood leh oo midnimadooda iyo wanaagooda ka hormarinaya wax kasta, waxaynuna u baahanahay dareen aqooneed.“

Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay, masuul ka socday dugsiyadda Albaxrayn oo ay jaamacadda Xidhiidh leeyihiin, mid ka mid macalimiinta ka hawlgala dugsiyadda sare oo tababaro ay jaamacaddu siisay. Waxa iyaguna halkaasi doodo ku jeedinayay afka Ingriisiga halkaasi ku soo bandhigay ardayda qalinjabinaysay, kuwaas oo aad loogu riyaaqay.

Gabo gabadii waxaa hadalka soo Afmeeray Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashadda iyo Sayniska Axmed Abokor ayaa Hadalko Kooban oo Bogaadin ah Halkaasi ka Jeediyey Guntii iyo Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi bilado lagu gudoonsiiyey Ardayda ugu saraysa ee Kaallmaha Hore u galay Ardayda Maanta qalin jabinaysay sidoo kale iyaguna dhamaan ardaydaasi waxaa la gudoonsiiyey shahaadooyinka muujinaya in ay dhamaysteen oo ay barteen Luuqada Ingiriisida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker