Cali Xoor-xor, waxqabad Iyo waxyeelo Midkee lagu Xasuusta?. Qore. Cumar Axmed Faarax.

Ex. Maareeye Cali Cumar Xoorxoor,  waxa uu muddo ku siman 20 sanadood ahaa, Maareeyaha Dekeda Berbera, weligiina muu qaban, ama’se muu doonan Mansab aan ahayn ka Dekedda Berbera.
Cali Xoor-xoor, Waa Siyaasi xasarad-badan marka uu xilka hayo, sidoo kale Cali waa shaqsi aan jeclayn Muwaadin hana-qaada iyo masuul magaca ama horumar kusoo kordhiya qaranka Jamhuuriyada Somaliland, isagoo taas bedelkeedana caanku ah xaasidnimo waxa loo yaqaano fajida ama munaafaqada.
Cali Xoorxoor ha yaraato ama ha badnatee, Dekedda qaran ee u mudada 20-ka sanadood ah umadda uu masuulka uga ahaa kumuu soo kordhin waxba, xataa qalab muhiima Dekedda Malaayinka dollar uu ka maali-jiray dib waxba umuu gelin. Sidoo kale Cali waa shaqsi musuq-maasuq yahan ah, kaasoo Lacagta qaranka ku bixin jiray waxyaabo lidku ah diinteena Islaamka, oo ay Kamid tahay Basaasnimo uu diran jiray goobaha lagu kulmo iyo dhaqano kale.
Hadaba sideebuu u arkaa Cali Xoorxoor maalgelinta Dp World ku samaynayso Dekedda Berbera. Cali xoor-xoor waxa uu dagaal cad kula jiraa sidii u fashilin lahaa maalgelin lagu sameeyo Dekedda, waxanu ahaa Maareeyaha Dekedda markii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo bilowday heshiiska Lagu maalgelinaayo Dekedda Berbera ee Dp World, waqtigaas waxa uu geed-dheer iyo mid gaabanbaa u fuulay inuu hor istaago, hase-yeeshee Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahayd mid ay ka go’an tahay waxqabad iyo maalgelinta Dekedda ayuu ka liqi waayey,  turun-turooyin badan iyo xiisado tiro beeley ayuu ka abuuray Magaalada Berbera, dhaqdhaqaaqyadaas oo aakhirkii abuuray in Madaxweyne Siilaanyo ka tuuro tareenka Xukuumadiisi.
Fule xantii ma mooggee markii oggaaday in lagu soo maqan yahay, ayuu qasnidii Dekedda Berbera wixii ku jirayba xaabsaday, isagoo horebana dhaqaalihii umadda ku tagri falay meelo kala duwanna dhigtay.
Waxa uu xilligaa Cali abaabuley qprshe uu damacsanaa inuu gobolka Saaxil inuu kaga riddo Dagaal si Dp World uga caraarto Dekedda, isla markaana sumcada amni ee Somaliland u noqoto mid faraha ka baxda.
Waxa isku dayey inuu qabto shir horumarka Dekedda lagu diidan yahay oo lagu shaambadeeyo Beesha Ciise Muse, kaasoo lagu magacaabi jiray Baxarasaaf,  shirkaas waa lagu fahmay Cali Iyo colkiisi manuu qabsoomin, ee waa uu fashilmay.
Soomalidu waxay ku maahmaahdaa Bartii yaqaan Bari uma korodho, Cali waxa uu weli ku mashquulsan yahay dagaal uu kula jiro maalgelin Dekedda Berbera Lagu sameeyo, waxana shaqo u noqotay Ninkaa Odayga ah, inuu maalinta oday ama innama yaryar usoo waarido warar been abuur ah iyo dacaayado raqiis ah, sidoo kalena Cali Xoorxoor waxa uu xidhiidho la sameeyey cadowga Somaliland, ee kasoo horjeeda horumarka Dekedda Berbera.
La soco qaybaha dambe.
Qore.
Cumar Axmed Faarax.
omarahmedfarah287@gmail.com
Burco/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker