Oodweyne News - Latest Somali News Update

Barnaamij Kooban Oo Ka Waramaya Doorkii Xaaji Aadan Axmed Diiriye Kasoo Qaatay Nabadayntii iyo Dib U Dhiskii Somaliland

Hargeysa(OWN)-Daawo Barnaamij kooban oo ka waramaya Taariikh Nololeedka Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) iyo doorkii uu kasoo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranimada Somaliland.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamida Haldoorka lama huraanka ah ee Qaranka Somaliland ayaa sidoo kale ahaa Xoghayihii shirkii lagaga dhawaaqaayey Somaliland isagoo isla markaasina ahaa masuulkii loo igmaday inuu isagu afkiisa kaga dhawaaqo gooni isku taaga iyo dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland 18 May 1991

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa sidoo kale kamida Ganacsatada waa weyn ee reer Somalilad ee ixtiraamka iyo karaamada badan, isagoo isla markaasina mihnada ganacsiga kusoo jiray ilaa 22 jirkiisii

 

Halkan hoose ka daawo barnaamijkan oo dhamays-tiran