Musuqa iyo Fashilka Dul Hoganaya Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

Warbixin ku iftiiminaysa xaqiiqooyinka dhex hoganaya wasaarada

 

Waa kuma Dr.Sacad iyo musuqa dul hoganaya sidoo kalena soo waariday qabyaaladii qurbaha ee xad dhaafka ahayd. Tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ahayd bisha Koobiyatobnaad tobankeedii labada kun iyo sideed iyo toban (11/10/2018) wuxuu marar badan hor tagay warbaahinta kale duwan ee dalka, taas oo markiiba bulsha-weynta Somaliland su’aal galiyeen wajigii loo haystay uu u muuqday inuu yahay daacad iyo in aanu aqoonin wax qabyaalad ah haba yaraatee iyo cadaaladda darada durbadiiba uu ka sameeyay wasaaradda gudaheeda muddan kooban ee uu xilka hayay; iyadoo awalaba ay jirtay marka hore dheeli badan oo ah dhinaca reerka uu ka soo jeedo ay wasaaraddu la ciirciiraysay Dr.Sacad Cali Shire.
Waxa yaab iyo fajiciso noqotay dhaqankan ee uu caadaystay marka su’aalo la waydiiyo MA KALA AQAANO, MAAN GARANAYN IYO WAXAAN KU QIIMEEYAA AQOONTOODA. Balse ay tahay been oo sidaynu ka arki doono gadaal ay muujinayso inuu aad u yaqaano eexda iyo qabyaaladda sidoo kalena kolba meesha uu tago uu musuqii xadhkaha goosto isna ay kaga dhagta uun Anigu maan samayn iyo hadalo iska hor iyo daba imanaya oo wada ah HAA iyo Maya “Ilaahoow ha naga wada yeedhsiin HAA IYO MAYA mar qudha”.

Bal dhuga warbixnaha iyo qoraaladdan uu sameeyay wasiir Sacad:-

Bedelkani wuxu daba socdaa Bedelkii uu sameeyay Wasiirkii Hore ee isagu xilka kala wareegay Yuusuf Maxamed Cabdi oo isna ahaa sidan:-

Haddii aynu falaqayn ku samayno arrintan oo kaliya oo ifiiminaysa qabyaaladda xadhkaha goostay ee uu isticmaalo isla markaana ku sifoobay mudane Sacad cali shire waad fajici waxaanad ogaanaysaa wajiga dhabta ah ee Dr.Sacad Cali shire
warqada uu saxeexay sacad ee ah burinta iyo baabi’intu waxay iftiiminaysaa siduu sida dhiiran ee uu difaaco waayo wasiirkii hore wuxuu bedel ku sameeyay siday muujinayso warqadani Xisaabiya ku-Xigeenka Dawladda Mr.Keyse Maxamed Cabdilaahi oo muddo dheer ahaa ku-Xigeen sidoo kale ay aqoontiisu tahay Dugsi Sare oo ayna isku hayb hoose yihiin (Ciise Muuse) Dr.Sacad Cali shire sida si cad u muuqatana caqabad ku ah in laga hirgaliyo Xafiiska Xisaabaadka Guud oo uu ka baqayo in laga bedelka xilka uu hayo iyo inuu helo lacagta badan ee lagu sameeyo xisaab xidhka gacan ku samaynta ah , isagoo wasiirkii hore ku bedelay nin waayo-arag ah isla markaana sita shahaada heerka labaad ee Jaamacadda isagoo Dr.sacad maraya inuu u kala hiiliyo beesha Habar-Awal dhexdeeda oo maadaama warsame ka soo jeedo beesha Sacad-Muuse halka uu ku difaaco kolba halkay joogto qabyaaladdu waxaa iyana tusaale inoogu filan isla bedelkan inuu Wasiirkii hore bedel ku sameeyay Xafiiska Deeqaha Dibeda ee (External Assistance Fud.Section) Mr.C/qaadir Maxamuud oo ka soo jeeda beesha Habar-Awal isagoo u dhiibay inan la yidhaahdo Sucaad Maxamed Daahir oo sitada shahaada Heerka Labaad ee Jaamacadda ee ah Maamulka Maaliyadda kana soo jeeda beesha ARAB Sh.Isaxaaq markuu arkay wasiirka maantu in aanay sucaad isku hayb ahayn ayuu buriyay bedelkaas oo iftiiminaya inay tahay Xisaabaadka Guudi waax hoosta tagta W.Maaliyadda.Dhinaca kale wasiirkii hore oo isna lagu xantu inuu beeshiisa garxajis guud ahaan gaar ahaan Cidagale uu kor u soo qaado sida ay cadaynayso warqadani inuu ka dhigay Mr.Maxamed Cali Xirsi madaxa hubinta oo ay isku beel ahaayeen wasiirkii hore yuusuf Maxamed Cabdi inkasta oo maxamed Cali Xirsi sito shahaada labaad ee Maamulka Maaliyadda balse lagu xaman jiray inuu uruursado team kala duwan oo ay ka soo wada baxeen Jaamacadaha Dalka Ethiopia oo uu u haystay in cidii wax ku baratay Ethiopia oo kaliya ay aqoon iyo karti leeyihiin.
Wax marag ma doon ah in dakhligii dalka ee ka soo xaroon jiray goobaha kale duwani uu dhulka galay isagoo wasiir Dr.Sacad aanay u ahayn muhiimad koobaad dakhliga iyo yaraynta cashuur-dhaafka isagoo ku wareejiyay dhamaan masuuliyadii labada waaxood ee Dakhliga ee kale ah Cashuuraha Beriga iyo iyo Kastamka uu kuna wareejiyay wasiirka ku xigeenka Mr.C/qaadir dhaga wayne oo wax khibrad iyo aqoon toona u lahayn maamulka guud ahaan gaar ahaan maamulka maaliyadda iyo dakhliga toona oona ka muuqdo fudayd iyo inuu mar walba ku hadaaqo waxaan ka imi Madaxweynihii iyo imikaan la hadlaayay isagoo durba cashuur dhaafkii u samaynaya ganacsato ay isku hayb yihiin sida ila wareedyo Wasaaradda Maaliyadda u dhuun dhaloolaa sheegayaan inuu dhagta ka haysto Agaasime Ku Xigeenkii Waaxda Cashuuraha Beriga Mr.khadar Laas. Wasiir Sacad inuu ka shaqeeya Dakhliga wasaaradda isla markaana uu xayndaabka sharciga ku soo celiyo cashuur dhaafka faraha ka baxay inuu AJAANIB CADAAN AH KULA SHIRO WASAARADDA AMA UU SHAAH KULA CABO MAANSOOR HOTEL oo aad moodu inuu yahay wasiirkii Arrimaha Dibeda ama Qorshaynta waa yaabe!!!!!!

Qormooyin xiisa badan aanu idiinku soo gudbin doono Haddii AALAAH OGOLAADO.

Maxamed Dhamac
Hargeysa Somaliland
Dhama.egge@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker