Goormuu Hotel Maansoor noqday Golihii Baarlamanka? By Amir Bidde

Wasiirka ugu tayada liita golaha xukuumadda Wasiir Sacad wuxuu dilay sumcaddii Qaranka. Miisinayadda dalka waxa lagaga doodaa golayaasha sharci dejinta ama baarlamaanka. Kuwaas oo dadku soo doorteen, run ahaana metelaya shicibka Somaliland oo dhan, mucaarid iyo muxaafidba. Iyagaa loo igmaday, loona dhaariyey arrimaha qaranka oo ay miisaaniyaddu ka mid tahay. Iyagaa ilaalinaya “sida caadiga ah” danaha iyo siraha qaranka.
Waxaa la yaab leh in wasiirka ku caan baxay kala hadalka iyo dood-raqiiska inuu miisinayaddii qaranka ee 2019 keenay Hotel Maansoor Hargaysa. Si halkaa uga doodaan dad aan loo igman ha noqdaan kuwaasi kuwo ka socda Xisbiyada qaar  (sida xoghaya Waddani) ama kuwo aan xataa xisbi ka socon ee ku caan baxay social media (sida Ina Mooge). Xisbiyadu waxay leeyihiin xildhabaano loo doortay baarlamaanka, halkaasayna dooddooda ka dhiibtaan, fikradahooda iyo toosinta xukuumaddana ka soo jeediyaan, iyagoo xasaanada ay leeyihiin iyo xilka loo igmaday xeerinaya.
Waxa la yaableh in sacad doodda miisaaniyadda ee uu keenay Hotel Maansoor xataa u difaaci kari waayay. Goormuu Hoteelkani noqday gole Baarlamaan! Maxaa ku kallifay inuu sidan wasaaradda iyo Qaranka u bahdilo. Meeshan xataa maamulkeeda (sida doodu u socoto, inta waqti qofka la siinayo iwm) wasaaraadda ama wasiir Sacad waa laga faramaroojistay. Waxayna isku beddeshay gole cambaarayn iyo ceebaynta Somaliland. Ninkii wax toosi is yidhaa, oo si xaqiiqda ah uga hadal is yidhaa (sida Ninka isku magacaabay Obama!!) lama siinayn waqti. Sacadna sawirka noocaas ah qayb wayn ayuu ku lahaa, isagoo aad mooddo, siduu meesha u soo fadhiyo, tuug la soo qabtay. Tuhun kasta oo musuq isaga ayaa abuuray. Bal sideetankii milyan eeg! uu marna qiray, maalmo dabadeedna beeniyey. Dooddan oo la waydiiyey inta qaranka dayn lagu leeyahayna, wuxuu sheegay inuuna warba u hayn! oo ay ku qaadanayso dhowr bilood inuu soo ogaado. Waa wasiirkii Maaliyadda!!
Wuxuu beeniyey heshiisyadii dekedda iyo madaarka Berbera ee dawladdii hore soo bandhigtay ee wasiirkii hore marwo Samsam baarlamaanka Ka faahfaahisay berigii waxa dhaqaale sannad walba innaga soo geliya.  Midda kale waddada Berbera – Wajaale sidii dawladdii hore sheegtay waxay ku jirtay heshiiskii dekedda, saldhigga hortiiba. Sacad wuxuu u muuqdaa nin aan mudnayn Wasiir Maaliyadeed.  Mise wuu is nasakhayaa illeen waaba aqoon yahane? Muxuuse madaxwaynuhu halkan u dhigtay? ma jileeca awgeed baa? Oo hantida Ummaddaa laga fara-maroojisan karayaa? Bal adba!
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker