Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La’aanta Shirkiisa Boorama ee 2019

Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shanti shire ee Golaha dhexe ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno muhiim u ahaa.

 

Sanadkii 2003 Iyo Loolankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye

Sanadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loolankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xiligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaadi Cabdiraxmaan Aw Cali, Dr Maxamed Rashiid, Cabdilaahi Xasan Buuni “AHN”, iyada oo uu loolankaasi ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii.

Sanadkii 2006-kii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, kadib markii ay Xisbiga guul-daro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB.

Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003kii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe.

Sanadkii2007kii Iyo Xanaftii tar-tankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE

Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo.

 

Burco 2008 :Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday

Khilaaf aad u weyn ayaa sanadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE .

 

Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay.

 

 

Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sanadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay

Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sanadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro.

Gudoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay .

 

Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

 

Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi.

Sanadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey
“Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”Ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Khilaafkii 2015kii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay

Sanadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo,

 

Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis

 

Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..”

 

Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shirkiisa golaha dhexe ku qabsanaya magaalada Boorama 23-ka bishan. Shirka waxa la filaya in jagooyin dhawr ah lagu buuxiyo oo hoggaanka xisbiga ah laakiin, waa mid aan lahayn xumaddii iyo xamaasaddii looga bartay xisbiga, islamarkaana aan xiiso loo hayn. Ma muuqdaan siyaasiyiin culus oo kala damac duwan oo ku hirdamaya shirka waxaanu u muuqda mid aan la dareemahayn in uu soo socdo shir xisbiga talada haya qabsanayo oo taariikhdiisu ku astaysan tahay in mar kasta rag ruud ahi ku hirdamaan. Dhawan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in xisbigu burburi doono haddaan wax laga bedelin qorshihiisa shirkani ku salaysan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker