Siyaasi Jaamac Siddiiq Waa Muraayadda Gobolka Daadmadheedh

Waa kuma Siyaasi Jaamac Siddiiq? Ayay kollay bulshadu qaarkood,  iswayddiinaysaa. Balse qoraalkan ayaa aad ku garan doontaa Jaamac Siddiiq cidda uu yahay haddii aadan garanayn  waxa kale oo aad garan doontaa waxa uu gudo ama waxa uu galo.

 

 

1. Jaamac Siddiiq waa siyaasi ka soo jeeda Gobollada Daadmadheedh iyo Togdheer

 

2. Waa siyaasi marna waa ganacsade maalkiisa  maskaxdiisa iyo muruqiisa ba u hura horumarka baladkiisa iyo bulshadiisa

 

3. Siyaasi Jaamac Siddiiq waxa uu mar walba ka fikiraa sidii uu Gobolkiisa u horumarin lahaa  taasna waa sababta uu ugu biiray Xisbiga Kulmiya isaga oo iska casilay jagadii uu ka hayay Xisbiga Waddani. Taas ahayd mansab sare

 

4. Siyaasi Jaamac kaligii kuma uu biirin Xisbiga kulmiya balse waxa uu xisbiga kula soo biiray raxan siyaasiin ah oo Xisbiga Waddani kaalin muhiim ah kaga jiray, kuwaas oo isagu hor kacaayay.

 

5. Siyaasi Jaamac Siddiiq waxa uu taageero laxaad u soo hooyay Xisbiga Kulmiye wakhtigii ololaha iyo wakhtigii doorashadaba.

 

6. Siyaasi Jaamac Siddiiq waxa kaalin laxaad leh ka qaatay soo dhaweyntii Madaxweynaha ee Gobollada Togdheer iyo Daadmadheedh uu dhawaan ku tagay Madaxweynuhu.

 

7. Jaamac Siddiiq Waxa dhuuxiisa iyo dhaqaalihiisaba u huray sidii Xisbiga Kulmiye uu cod laxaad leh uga keeni lahaa Gobollada Togdheer iyo Daadmadheedh, taas oo noqotay mid midhodhal ah.

 

8. Jaamac Siddiiq oo sida la og yahay weerar bad iyo barri ahba lagu soo qaatay haddana waxa aan odhan karaa taasi waxba kama ay beddelin go’aankiisii iyo geeddisocodkiisii, waxa uuna ka guuleystay fadhi-ku-dirirkii iyo ficilkii lagula jiray.

 

9. Jaamac siddiiq sida oo kale waxa ku guuleystay sidii iu bulshadiisa uga shubi lahaa naxligii iyo nacaybkii ay ku abuureen xubno ka mid ah Xisbiga Waddani, waxa uuna ku shubay Bulshadiisa sidii walaaltinnimo iyo wadajir  loogu noolaan lahaa.

 

10. Siyaasi jaamac Siddiiq waxa halyey u heelan bulshadiisa waana haldoor mar walba jecel dardargelinta bulshadiisa iyo baladkiisaba taas oo ah mid marag maddoon ah.

 

11. Jaamac Siddiiq waa siyaasi ay bulshada Gobolka Daadmadheedh iyo Togdheerba ku leh taageero aad u badan, waana siyaasi lagu kalsoon yahay, arrinkiisa, aqoontiisa, aragtidiisa iyo awooddiisaba.

 

 

Aniga oo ka mid ahaa guddiidi kaambaynka ee Gobolka Daadmadheedh, waxa aan qirayaa sida uu Siyaasi Siddiiq uga soo dhaloolay hawlaha Xisbiga Kulmiye. Wakhtigaas oo uu ahaa Guddoomiyaha Kaambaynka  Xisbiga Kulmiye, Walow aanu ilaa hadda wax jago ah aanu ka helin Xukuumadda Muuse Biixi gadhwadeynka ka yahay. Balse waxa qirayaa in aanay taasi  wax ka beddelin, dacadnimadii, dadaalkii iyo doorboodkii uu xisbiga Kulmiye u hayay.

 

Haddaba waxa aan Madaxweynaha ka rajeynayaa in uu Siyaasi Jaamac u magacaabo kaalmaha ugu sarreyaa Xukuumadda, hoosna uu u eego dhaliinyarada firfircoon ee dhiigacusub leh kuwaas oo xukuumadda iyo xisbigana u soo jiidi kara taageero aan la masuugin.

 

 

Siyaasi Maxamed Ismaacil Cawil (Dhiidhii).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker