Dawladda Turkiga Oo Ergay u Magacowday Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Dawladda Turkiga ayaa ergay u soo magacowday sidii loo sii wadi lahaa wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo hakad uu ku yimid labadii sano ee ugu danbeeyey .

 

Ergayga Turkiga uu u soo magacaabay wadahadalada ayaa ah Olgan Baker oo horay u ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya , waxaana uu ergayga iyo xubno la socda ay gaadheen caasimadda Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

 

“Waxaanu kulannay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya , Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland Olgan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa marti-geliyaha iyo fududeeyaha wadahadallada illaa markii la billaabay sannadkii 2012-kii,” ayuu yidhi wasiir Axmed Cawad.

 

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay labadan Dublamaasi ee Turkiga ah ka wada-hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan iyo sidi dib loogu billaabi lahaa wada-hadalladii nabadeed ee u dhexeeyay labadaan dinac.

 

Dhanka kale, Ergayga Turkiga ee Wadhadallada Somalia iyo Somailand Olgan Bekar ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaadho magaalada Hargeysa si uu kulamo ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana la filayaa inay ka wada-hadladaasi dib u bilaabmaan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa Toddobaadkii hore sheegay inaysan Dowladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalladaas.

 

Ugu dambeyn, Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Soomaaliya ay noqoto waddan cagahiisa dib isugu taaga, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay garab-istaaggan Soomaaliya.

Ergayga Turkiga uu u soo magacaabay wadahadalada ayaa ah Olgan Baker

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker