Siyaasi Geert Wilders Oo Ku Caan Baxay Nacaybka Diinta Islaamka Oo Muslimay

Siyaasi horay uga tirsanaa xisbiga midigta fog ee Geert Wilders, aadna u necbaa Islaamka ayaa isniintii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in uu qaatay diinta Islaamka.

Joram Van Klaveren oo horay loogu yaqaanay naceybka uu u qabo diinta Islaamka ayaa sheegay in uu iska dhaafay dhaleceynta diinta Islaamka, haatan na uu qaatay diinta islaamka. Mr Joram aya sidoo kale sheegay in uu qoray Buug uu kaga hadlayo diinta islaamka.

Warbaahinta maxaliga ee dalka Holand ayaa kusoo warranatay in siyaasigan uu ahaa mid aad u neceb dadka heysta diinta islaamka oo waxaa uu mar diinta Islaamka ku tilmaamay mid “been abuur ah”.

Sidoo kale Qur’aanka Kareemka ayuu ninka soo Islaamay horay ugu tilmaamay mid “sun ah” waxaana aad loo xusuusta hadal uu horay u yiri oo ahaa in “dhibaatada ugu badan ee adduunka ka taagan ay tahay Islaamka”.

Joram Van Klaveren ayaa horay uga tirsanaa barlamaanka dalka Netherland sannadihi 2010-ka ilaa iyo 2014-ka, waxaana uu isaga baxay xisbigii uu katirsanaa, isagoo na sameystay xisbiga uu leeyahay.

Daawo muuqaalkan hoose oo ka midlaya Joram Van Klaveren

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker