“Taliyaha Boolisku, Waa Masuulkii Ugu Sareeyey Ee Ciidanka Bilayska Ixtiraam Ayuu Inaga Mudanyahay”Siyaasi Cabdi Haybe.

Hargaysa-(OWN)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay inay wax ka bedesho qorshaheeda ku waajahan Siyaasada Arrimaha Dibadda, waxaanu kula taliyey inay Imaraadka ka dalabato waxyaaba badan oo uu sheegay inay daruuri yihiin, madaama Saldhiga Milatari dalka laga siiyey.

Cabdi Haybe Maxamed,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Ciidamada kale duwan ee Qaranka, ay mudan yihiin tixgelin iyo qadarin,  waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Ciidamada kala duwan ee Qaranka, ha noqdaan Ciidanka Milatariga, ha noqdaan Ciidanka Bilayska, ha noqdaan Ciidanka Badda, ha noqdaan Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, ha noqdaan Ciidanka Badda, ha noqdaan Ciidanka Laanta Socdaalka, dhammaantood waa Ciidan Qaran, cid gaar ahna Ciidan uma ah ee Qaranka ayey Ciidan u yihiin, oo umadda ayey dhex u yihiin, waxaana odhan karaa amaan, maamus iyo tixgelin bay istaahilaan,  Taliyaha Ciidanka Bilayska Cabdilaahi Fadal Imaan, isna waa Masuulkii ugu sareeyey ee Ciidanka Bilayska, ixtiraam, amaan iyo mahadnaq buu mudan yahay, madaama oo hadh iyo habeenba uu heegan ugu yahay ilaalinta nabadgalyada,  Ciidamada kala duwan ee Qaranka, ha noqdaan Ciidanka Laanta Socdaalka, CID-da, Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, dhammaantood, waxay hoos yimaadan waa Bilayska, markaas Cali Saneeyo lagama filaynin hadaladan ka soo yeedhay, imikana waxa la gudboon inuu raaligelin buuxda bixiyo, madaama uu si gaar ah wax uga sheegay Taliyaha Ciidanka Bilayska, ta kale Cali Guray, isna qudhiisu wuu deg  degay, sharaftiisana maaha inuu Taliska Ciidanka qawlaysto ku tilmaamo, ee Cali Saneeyo iyo Cali Gurayba waxaan leeyahay Ciidanku qadarin iyo tixgelin bay inaga mudan yihiin, ee sharaftu kuma jirto inaad wax ka sheegtaan, Ciidanku reer maaha, oo qabiil maaha, cid gaar ahna uma adeego, ee waa qaran, umaddana waa u dhex, Cabdilaahi Fadalna, ma gayo waxaa laga sheegay, mana istaahilo waxaa lagu sifeeyey, ee waxaan leeyahay raaligelin iyo xaalmarin baa la idinka fadhiyaa, Taliyaha Booliskana waad ku deg degteen inaad wax ka sheegtaan”

Cabdi Haybe oo talo u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi “Anigoo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ka soo qabtay xilal wasiirnimo, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, waxaan odhan karaa Xukuumaddaas qorshaheeda dhinaca Arrimaha Dibaddu wuxuu ahaa mid aad u habaysan, oo Waddamo badan bay wakhtigaas Somaliland xidhiidh la lahayd, xidhiidho qoto dheer ayeynu la lahayn Wadamo badan oo Afrika ku yaala, Masuuliyiin iyo Saaxiibo badana weynu ku lahayn Caalamka, balse waxaad mooda in Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda inay soo oodantahay, maxaa yeelay Dawladda Somaliya ayaa inaga dheeraysay, oo waxaynu arkaynaa in iyada oo Somaliya cuna qabatayn hubka ahi saaran yahay in haddana Qadar ay hub ku caawinayso ama Baabuuro Gaashaman, halka uu Turkiguna uu caawimo xoogan la dul taagan yahay, inagoo Dekadeenii wareejinay, oo Saldhig Milatari siinay Imaraadka, haba yaraate waxay inoo qabteen ma jiraan, waxaana leeyahay Ciidankana ha la tayeeyo, oo ha la kordhiyo, oo ha la dhiso, Madaxweyne haddii aanay Imaraadku hub,tayeynta Ciidankeena iyo Ictiraaf midna inagu taraynin, inaga fasax”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker