Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Sababay Dhaawac Iyo Dhimasho+Akhriso Wararkii Ugu Danbeeyay.

Muqdisho-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay Isgoyska Taleex ee bartamaha Caasimada.Qaraxa ayaa qabsaday gaadhi HILUX ah, kaasoo yaalay Afaafka hore ee Xarunta Premier Bank ee degmada Hodan, qaraxa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in gaariga Qooqanka ah lagu xiray.

Saraakiisha Caafimaadka ee Amiin AMbulance ayaa sheegaya iney qaadeen dhaawacyada 4 Qof oo wax ku noqotay qaraxa kuwaasoo loola cararay Xarumaha Caafimaadka, ma bixin faahfaahin intaas ka badan oo la xiriirta in dadka dhaawacmay ay gaariga saarnaayeen iyo iney goobta ka agdhawaayeen.

Dab xoogan oo ka dhashay qaraxa, ayaa lagu guuleystay daqiiqado kadib in la dmeiyo, waxaana goobta gaaray gawaarida Dab demiska ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka oo tagay halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa sameeyay baaritaano la xiriirta halka gaariga qaraxa looga soo xiray, iyagoo Su’aalo weydiiyay dadkii islahaa gaariga qarxay.

Muqdisho, waxaa maalmahan ku soo batay qaraxyada gawaarida loogu xiro, iyadoo maalinka hor isla degmada Hodan uu ka dhacay qarax ay ku waxyeeloobeen Dhakhaatiir Somali iyo Syrian ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker