Mudane Cali Seenyo Midbaa Seegay, Poliskana Midbaa Seegay

Dhawaan Saxafiga caanka ah ee Cali Seenyo ayaa TV SAAB ka baahiyay hadal cadho iyo qaylo u badan, isagoo si wayn uga cadhooday in loo diiday in isaga iyo koox saxaafadda  ah uu la socottay galaan magaalada Lawyacaddo ee Xuduudka Somaliland iyo Jabouri.

Cali Seenyo iyo kooxdii uu hogaaminayay waxay soo qaatteen visa tourist amma dalxiis iyago socdaalkoodu ahaa film-duubis iyo hawl saxaafadeed. Cali waxaa seegtay inuu visa saxaafadeed amma ogolaansho ka soo qaatto safaradaa Somaliland ee Jabouti. Sida muuqatta, Cali Safaradda umuu sheegin sabata runta ah ee ay  Zaylac u tagayeen isaga iyo tiimka la socday.

Midina waa run: Cali xaq ayuu u lahaa inuu xanaaqo oo qayliyo.  Laakin marka dhinaca kale la iska taago, Calina midbay ummaduu xaq loogu lahayd: Inuu ummadda u sheego nooca viisaha ay kooxdu ka soo qaatteen Safardda Somaliland ee Jabouti  –  ma visa dalxiisbay ahayd mise visa Hawl Saxaafadeed.

Booliska Somalilandna midbaa seegay: Inay cali u sheegaan sabata dhabta ah ee loogu diiday in kooxdan la socottay waddanka galaan.  Poliska mid labaadna way seegtay: Kadib markii Cali TV ka hadlay waxa haboonayd inay markiiba Polisku  jawaab shaafi ah ka bixiyaan sababta loogu diiday inuu waddankiisii galo – Polisku waxay u baahanyihiin inay kor u qaadaan hal-beegga Xidhiidhka Dadwaynaha (they need to improve their Public Relations Standard).

GABAGABO: Somaliland waxay u baahantahay in xidhiidhka ka dhexeeya Poliska iyo saxaafadda shaqo ballaadan laga qabto. Siminaaroo iyo workshops laga diyaariyo . Waa in la hirgalyo siyaasad wada-shaqyneed ,  habdhaqan, iyo baro-xidhiidh (contact points) ka dhaxeeya Golayaasha Saxaafadda iyo Taliska Poliska si loo xilliyo murankan goor walba taagan

Xasan Cabdi Yuusuf

Riaydh , Saudi Arabia

23 January 2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker