Maamuuskuu Milatarigu lahaa miyuu Booliskii Maroorsaday

Waxa weli socda hadalhaynta ciidamada Booliska iyo madaxdooda kuwaas oo muwaadiniin ay cabasho, eedeyn iyo dhaleeceen hawada, baraha bulshada  iyo mareegaha internetka u marinayeen, iyada oo eedeemahaa ay barbar socdeen eedeymo kale oo la eedeynaayo muwaadiniita wax eedeynaaya iyo difaac ladifaacaayo ama garabsiin lala safanaayo dhanka ciidamada booliska ah.

Horta ciidamada qaranka Somaliland kuligood wey ku amaanan yihiin xilka ay qaranka u hayaan waanan ku hanbalyeynayaa.

Hadaan se Ciidamada Qaranka Somaliland u kala qaado laba Qaybood oo kala ah Ciidamada Milatariga ah iyo Booliska iyo Asluubta oo dhan ah,

 

Ciidamada Milatariga :-

Waa Geesiyaasha dhiiran ee naftooda hurayaasha ah ee deyrka iyo ood-dhacanta u ah dalka intay Ubadkoodii,Ooriyahoodii iyo Aqaladoodii katageen heeganka ku ah furimaha ee Cadawga habeen iyo dharaar u safan iyaga oo naftooda diyaar la ah inay huraan difaaca dalka iyo Nabad kunoolaashaha ummada awgeed, waana wax ay ku amaanan yihiin abaalkoodana aan la gudi karin Ilaahay ha xafido oo cadawgood ha jabee, markaa geesiyaashaa shaqadoodu waa diifaca dalka iyo dadka waa dayrka la gaboodsado waa geedka la hadhsado waa nabada lagu seexdo waa nolosha lagu istareexo oo waa ciidan Cadawga dalka mooyee muwaadiniinta weligood buus ku odhanayn waa ciidanka shacabka Anakaa idiin dhimanaynee noolaada leh,

Markaa ciidamada Milatariga ee naftooda hurayaasha ah lama eedeynkaro lama aflagaadayn karo lama dhaleecayn karo lama weerari karo eray san mooyee xumo laguma odhankaro sharaf Maamuus iyo garab istaag hiil iyo hoo ayey mudan yihiin waana wax lagu faano oo deelqaaf ka xariman.

 

Ciidamada Booliska iyo Asluubta:-

Ciidamadani waa geesiyaal amaanan laakiin halka Milatarigu cadaw uun uu ku faydanyey iyagu waa sharci Dhawr iyo sharci Fulin, sidaa awgeed ciday ku dhex jiraan ee ay lashaqaynayaan waa shacabkii oo askari Intuu gurigiisa iyo oridiisa iyo ubadkiisa kasoo tooso ayuu magaaladaa ummadu joogto usoo foofayaa siduu u guto waajibaadkiisa oo ah inuu dhowro sharciga iyo nabada shacabka dhexdooda haduu Boolis yahay, haduu Asluubta yahayna inuu dhawro oo fuliyo xukunkii ku dhacay muwaadinka fal qaldan sameeya ee goobta Asluubta lakeeno, sidaa awgeed hadii aynu Aadame nahay qalad wuu dhacaa waana lakala cawdaa oo wadamada horay umaray ayaa Booliska laga cawdaa Haday tahay ruux sifo qaldan loo Xidhay, ruux qabantinkiisii lagu laxaadsaday iyo waxyaabo kaloo badan, markaa dunida saddexaadna xaalkeeda hadaan lays makiikiyahayn weynu ognahay, markaa Muwaadinku wuxuu xaq u leeyey in uu cabasho ka tabiyo oo dhaleeceeyo haduu wax ka tirsanaayo Booliska iyo Asluubta labadaba se dhibaatada jirta Somaliland malaha urur ama gudi ama laan ka madax banaan booliska iyo shacabka oo u dhexeeya oo halka uu muwaadinku furka furanaayo ciilka uu ciirsan lahaa, maxbuuska isna cid ka warhaysa oo lasocota fayodhowrkiisa iyo mudadaa xukunkiisa inuu dhamaystay iyo guud ahaan xaalka maxaabiista sidoo kale muwaadinka booliska wax ka tabanaaya meel uu u cawdo lana saxo wixii jira runtii waxba may xumaadeen, markaa haduu Madaxweynuhu magacaabi lahaa gudi madaxbanaan oo u dhaxaysa booliska iyo shacabka in aanay cidi dhaleecayn hawada ciidanka qaranka u soo mariseen ayey ilatahay.

Ta dhaleeceynta madaxda sida booliska dee weligoodba madaxda qaranka waa la dhaleeceyn jiray ilaa Madaxweyne, gudoomiye xisbi qaran, wasiir, Suldaan iyo wadaad ba oo nin xil qaaday eed qaadye Fadal iyo madaxda Boolisku ma madaxda qaranka ee kale ayey wax dheer yihiin dadba yaabye.

Boolis iyo shacab wey wada sheqeeyaan oo nabada dalka shacabkaa hormood u ah waana lays dhaleecayne, ax ha odhan iyo af iska jifayn iyo guulwadayn weeyee xaalku iminkee ma Milgihii, Maamuuskii Milatarigu lahaa ayuu Booliskii Maroorsaday weligoodba aduunka Boolis waalaga caban jiree?

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker