Hilawga Ay U Qabaan Bulshada Gobolka Daadmadheedh Siyaasi Mustafe Xudur  

 

 

 

Marka hore salaan ayaan u dirayaa shacabka Reer Somaliland. Marka xiga waxa aniga oo ah Maxamed Ismaciil Cawil , oo ku nool Degmada Oodweyne, isla markaasna ah ka mid ah maamulka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh, waxa aan halkan uga hanbalyeynayaa Siyaasiga Ruug caddaaga ah Siyaasi Mustafe Xudur oo ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobollada Togdheer iyo Daadmadheedh.

 

Waxaan Mustafe ku ammaanayaa doorkii laxaad Ka lahaa ee uu kasoo qaatay wakhtigii ololaha isaga oo Ku suntanaa codkii Degmada Xaajisaalax waxaanan xaqiijinaya in mustafe  Xudur uu halgan badan soo uu maray wakhtigii ololaha saamayn toganna uu Ku leeyahay beelaha daga Gobolka Daadmadheedh iyo waliba beeshiisa dhexdiisaba.

 

Anigu waxaan ka mid ahaa gudidii kaambaynka  ee xisbiga Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh waxaan qirayaa saamaynta uu Mustafa ku leeyahay  gobolka Daadmadheedh iyo bulshada gobolka daad madheedh waxaana ay naawilayan in mar un Mustafa axmed Mohamed Xudur uu hoos u eegi doono madaxweynihii  waxqabadkii uu muujiyay Mustafe xudur wakhtigii ololaha. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi na waa nin aad u yaqaana dad ka iyo deegaankaba waa nin celin yaqaana abaalka loo galo. Sida oo kalena waxa ay shacabka Daadmadheedh ay naawilayaan in ay Mr. Xudur arkaan isaga oo golaha wasiirada lagu soo daray.  Taas oo uu aqoon iyo karti u leeyahay.

 

Madaxweynaha isna waxa aan ku ammaanayaa dadaalka uu ugu jiro dardar gelinta Gobolka Geesiyada Somaliland. Waxaanan caddeynayaa in ay shacabka Gobolka Daadmdheedh ay diyaar u yihiin ay xukuumaddooda la shaqeeyaan, oo goor walba iyo goor walba ay garab istaagaan.

 

Siyaasi Maxamed Ismaaciil Cawil “Dhiidhii”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker