dhibaatada goobaha iclaajyada dadka maskaxda ka jiran

Qore dr buux  photo file

 Sheikh  yaasin mohomed ow khaliif  cilaajka mubaarig

Ma sharcibaa in qof maskaxda ka buka  lagu hayo goobo guryo cidhiidhi ah  aanay jirin dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee bukahu u baahnaa ee aasasiga caafimaadka dawliga

 

  Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu  sharcigu ma u ogolyahay in  ay dad maskaxda ka buka ay  ku hayaan goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u leeyahiin shaqadan ay hayaan  goobta cilaajku ma tahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo  dadka maskaxda ka jiran oo ay u dhan yahiin  baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu u baahan yahay  bukahu sida dr maskaxda  goobo nasasho  takale waxa iswaydiin mudan  side loola dhaqmaa  xoriyada qofka maskaxda ka jiran  ee lagu hayo goobahaas cilaajyada

Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha iclaajyada iyo xaaladooda daryeel  caafimaad

 Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa lagu  hayaa  dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa  haboon in la is waydiiyo  aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada  wasaarada caafimaadka  Somali land  maxaa uga qorshaysan goobahan iclaajyada   iclaajyadu ma ku furan yahiin  sifo sharci dawladeed ah

  Xanuunka  durada  JINKA  oo ay u badan yahiin dumarka  side  lagu kala garan kara  xanuunka garashada maskaxa jinka sxirka isha marka  dadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya

iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii hore ee somaalia  dalka waxa ka shaqayn jiray  awooda shaqo caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo  xadidan  iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin lagu kalsoon yahay  waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay  yidhi quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba  hadaba  waxa loo baahan yahay in dadka  maskaxda ka jiran  oo u baahan sharci caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo  daryeelkooda caafimaad  iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay  in ay ka helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen

DR: Buux Ibrahim aadam

EMAIL:Buux2010@gmail.com

00252 63 4130821

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker