Xisbiga Kulmiye Waa Hanti Qaran Oo Beelaha H/jeclo Leeyihiin!!!!!!!. Professor: Sulaiman Salah Ibraahim. Las Anod Somaliland.

Tan Iyo Intii Lagu Dhawaaqay Asxaabta Ururadda  Badan 2001, Waxaa Xisbiyo Qaran U Soo Baxay 2002 Sadex Xisbi Udub, Kulmiye Iyo Ucid, Xisbiyadaas Waxaa Kala Hogaaminayey:-
1. Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.
2. Axmad Muxammad Maxamuud(Siilaanyo).
3. Engineer Faysal Cali Waraabe.
Sadexdaas Xisbi Waxay Noqdeen Hanti Qaran Oo Ay Kala Leeyihiin Beelaha Samaroon,
H/Jeclo, Iyo Ciidagale.

Sanadku Markuu Ahaa 2003 Waxaa La Galay Doorashooyinka Madaxtooyadda,
Waxaana Ku Guulaystay Xisbiga Udub Oo Uu Murashax Madaxwayne Ka Yahay Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Inkastoo Xisbiga Kulmiye Lagaga Shubtay Doorashaddii Madaxtooyadda Ee Uu Ku Guulaystay, Xildhibaanka Ugu Da’da Wayn Guurtida Xaaji CabdulKariim Oo Ku Magac Dheer Waraabe Uu Idaacadda Warbaahinta Xukuumadda Iyo Warbaahinta Madaxa Banaan Afkiisa Kaga Dhawaaqay Inuu Doorashaddii Madaxtooyadda Ee 2003 Uu Helay
Axmad-Siilaanyo, Xaajigu Wuxuu Yidhi Axmad-Siilaanyo Anagaa Daahir Rayaale U Hiilinay, Waxaanuna Kuu Haynaa Duco Ee Ducada Naga Aqbal, Axmad-Siilaanyo Wuxuu Afkiisa Ka Yidhi Hargaysa Mar Ayay Gacantayda Ku Burburtay, Dooni Maayo Inay Mar Labaad Gacantayda Ku Burburto, Waxaanan Qaatay Duco!!!!!!!!.

Sanadku Markuu Ahaa 2005 Waxaa Lagu Dhawaaqay Doorashaddii Golaha Wakiiladda, Waxaana Ku Tartamay Sadexda Xisbi Qaran Udub, Kulmiye, Ucid, Xisbiga Udub Wuxuu Golaha Wakiiladda Ka Helay 33 Xildhibaan, Xisbiga Kulmiye Wuxuu Golaha Wakiiladda Ka Helay 28 Xildhibaan, Xisbiga Ucid Wuxuu Golaha Wakiiladda Ka Helay 21 Xildhibaan.
Labaddii Xisbi Mucaarad Kulmiye Iyo Ucid Waxay Ku Heshiiyeen In Gudoomiyaha Wakiiladda La Siiyo Xisbiga Ucid, Laba Gudoomiye Ku Xigeena La Siiyo Xisbiga Kulmiye, Oo La Qadiyo Xisbul Xaakimka Udub.
Sanadku Markuu Ahaa 2010 Waxaa Goboladda Jamhuuriyadda Somaliland Ka Qabsoontay Doorashaddii Madaxtooyadda Oo Ay Ku Tartamayaan Xisbiyadda Kala Ah Udub, Kulmiye Iyo Ucid, Waxaa Doorashaddii Madaxtooyadda Ku Guulaystay Xisbiga Kulmiye Oo Uu Murashax Madaxwayne Ka Yahay Mudane Axmad Muxammad Maxamuud (Siilaanyo), Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Si Sharaf Iyo Milgo Ku Jirto Ayuu U Aqbalay Natiijaddii Ay Ku Dhawaaqeen Gudida Doorashooyinka Qaranka Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sanadku Markuu Ahaa 2012 Waxaa Qabsoontay Tartanka Ururada Badan Oo La Doonayey Inay Xisbi Qaran U Soo Gudbaan Sadex Xisbi, Waxaana Xisbiyo Qaran U Soo Gudbay Kulmiye, Wadanni, Ucid.
Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Wuxuu Muddo Xileedkiisa Shanta Sano Ku Darsaday Laba Sano Oo Muddo Kordhin Ah,
Madaxwayne Axmed-Siilaanyo Oo Ah Mulkiilaha Ama Xakhlaha Xisbiga Kulmiye Wuxuu Beeshii H/ Awal Ee Ay Isku Gaashaanbuurta Ahaayeen Kala Soo Dhex Baxay Inuu Gudoomiyaha Xisbiga Ku Wareejiyo Mudane Muuse Biixi Cabdi,
Kana Dhigto Mustaqbalka Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye, Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Abaalkii Ay U Galeen Beesha Habar Awal Ee Ay Codka La Daba Taagnaayeen Wuxuu Ugu Abaal Guday Inuu Xisbiga Kulmiye Ay Hogaanka U Hayaan, Haddii Ay Noqoto Gudoomiyaha Iyo Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga, Madaxwayne Axmad-Siilaanyo Wuxuu Beeshiisa Balaadhan Ee Habar Jeclo Ku Balamiyey Inay Murashaxa Madaxwayne Ee Muuse Biixi Cabdi Ay Dhaqaale Iyo Codba La Daba Istaagaan, Oo Ay Ku Hubsadaan Kursiga Madaxtooyadda.

Beelaha Gobta Ahina Waxaa Lagu Yaqaanaa Inay Abaalka Gudaan, Beesha Habar Awalna Waa Inay Noqoto Beel Abaalka Guda Oo Soo Celisa Xisbiga Kulmiye Ee Laga Kireeyey, Kulmiyena Waa Hanti Qaran Oo Beelaha Habar Jeclo Leeyihiin!!!!.

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Beeshiisa Habar Awal Haddii Ay Doqonimo, Caqli Xumo Iyo Abaal La’aan Isku Raacaan Oo Ay Is Yidhaahdaan Xisbiga Kulmiye Waa Inaanu Galbeed Soo Dhaafin Oo Aynu Samaroon Ama Gudabiirsi Ka Kireeya, Oo Mustaqbalkana Gaashaanbuur Ka Dhigta!!!!,

Xisbiga Kulmiye Dhaqaale Fara Badan Ayey Ku Soo Tabceen Beelaha Habar Jeclo,
Beelaha Habar Awal Xisbi Ay Markiisii Hore Asaaseen Oo Ay Ka Soo Saareen Urur Ahaan, Xisbi Ahaana Ay U Soo Saareen, Dhaqaale Fara Badana Aad Geliseen Ayaa Idiin Wanaagsanaan Lahaa Inaad Beelo Kale Kula Shuraakoowdaan, Balse Haddii Aad Hunguraysaan Beelaha Habar Jeclo Oo Aan Weligood Deegaan Iyo Geel Ay Xoog Ku Qabsadaan Mooyaane Taariikhda Aan Lagu Hayn Deegaan Ama Geel Xoog Lagaga Qaaday.

Beelaha Habar Jeclo Waxay Ciidamadooda Milateriga, Kaarayaashooda, Pm-yadooda, D30- nadooda Ay Iskugu Keeni Doonaan Madaxtooyadda Somaliland, Caasimadda Hargaysa Iyo Magaalo Xeebka Berbera Waxay Noqon Doonaan  Mid Ka Daran Dagaalkii SNM Iyo Taliskii Milateriga Ee Madaxwayne Muxammad Siyaad Barre Ku Dhexmaray 1988 ILaa 1990 Magaaladda Hargaysa, Soomaalida Waxay Ku Maahmaahdaa Nimaan Warankaagu Gelin Weedhaadu Ma Gasho.

Beelaha Habar Jeclo Waxay Ku Midaysan Yihiin Inaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Murashaxa Madaxwayne La Dhaafin Karin Siyaasiga Rug Cadaaga Ah Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker