Tacsi Madaxweyne

Tacsi Madaxweyne

Taariikh: 21/01/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa  qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Safiya Maxamed Faarax (Safiya Jabaan) oo ku geeriyootay caawa oo ay taariikhdu tahay 21/01/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumadda Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gafaadhi) oo ay xaaskiisa ahayd.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker