Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan OO Lagu Caleemo-Saaray Gobolka FAAFAN We Dawlad-deegaanka Somalida Ethopia

Ruka(OWN)-Magaalada Ruka oo ka tirsan Gobolka Faafan ee Dawlad Deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagu caleemosaaray Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan oo kamid noqday Madaxdhaqameedka Deegaankaasi, gaar ahaana Ugaaska Beesha Toljecle (Axmed Sheikh Isaxaaq) ee Itoobiya.

Munaasibada Caleemo-saarka Ugaaska cusub, waxa ka qaybgalay Madaxdhaqameedyo ka kala yimi inta badan Deegaamada Soomaalidu degto, sida Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, Somaliland, Djibouti iyo Gobolo kale, Masuuliyiin ka socda Maamulka Dawlad-deegaanka, Siyaasiyiin deegaamada kale ee Soomaalida ka yimi, Cuqaal, Waxgarad iyo Boqolaal Dadweyne ah.

Ugaas Naasir oo uu dhalay Ugaas Maxamed tobanaan sannadood ahaa hogaamiye dhaqameed caan ka ah Gobolka Dawlad-deegaanka, ayaa munaasibada lagu caano-shubay, waxa khudbado kala duwan ka jeediyey Isimada ka qaybgalay oo dhamaantood ugu duceeyey inuu alle ku asturo mansabka dhaqan ee uu dhaxlay, uguna shaqeeyo sidii uu Aabihii ugu shaqayn jiray iyo si ka sii wanaagsan.

Suldaanka guud ee Beelaha Absame Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali ‘’Sonkor’’, Suldaanka guud ee Beelaha Dir ee Itoobiya, Garaad Maxamed Xirsi Ducaale oo ka socday Isimada Beelaha Harti iyo Madaxdhaqameedyo kale oo ku hadlayey afka Isimada Dawlad-deegaanka Itoobiya ee lagu caleemo-saaray Ugaas, ayaa sheegay inay si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaan bahda Dhaqanka Gobolka, ula shaqayn doonaan si hagar la’aan ah.

Madaxdhaqameedyada Somaliland ka socday ee ka hadlay minaasibada waxa kamid ahaa Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Siciid Yuusuf, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, kuwaasoo dhamaantood Ugaaska cusub kula dardaarmay inuu bulshada Soomaaliyeed ugu shaqeeyo garsoornimo, guurtinimo iyo gacan-furnaan.

Isimada Madasha ka hadlay,ka sekow weedhaha dardaaranka ah ee ay Ugaaska u jeediyeen, waxa ay halkaa isku-dhaafsadeen hadallo kafta iyo duur-xul ah oo ku saabsan xidhiidhka dhaqan ee Bulshooyinka, waxaanay ka sheekeeyeen sooyaalka taariikheed ee Saldanada Beesha uu ka soo jeedo Ugaasku oo ahayd mid Qarniyo soo jirtay.

Xaflada Caleemosaarka, waxa Suugaan iyo Masrixiyad ku soo bandhigay Abwaan Siciid Biid iyo Jileyaasha caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan oo riyawaad iyo Geeraarro dhaqanka ka turjumaya halkaas ka jeediyey.

Soo dhaweynta Wufuuda iyo gelbiska Ugaaska, waxa ka qayb-qaadanayey Gaadiidka Fardaha, iyadoo arrimaha kale ee dhanka dhaqanka ee lagu muuneeyey xaflada uu kamid ahaa Aqal laba-daryaale ah oo laga dhinac yagleelay Madasha Caleemosaarka.

Gabagabadii waxa Ugaaska cusub si wada jir ah ugu caano shubay Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Garaad Maxamed Xirsi Ducaale iyo Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, iyadoo dhamaan Isimada kalena mid mid u cumaamadeen Ugaaska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker