Oodweyne News - Latest Somali News Update

Yaa Erey Bixin Kara? W/Q Bashiir Tarabbi Oogle

Waxaa jira Erayo aynu u baahanahay inaynu kasoo bedelo Erayo Afaf Qalaad
inagu soo gaadhey, waxayna la socdeen Ilbaxnimada sababtay in aduunku u
muuqdo reer tuulo markasta isu muuqda, Eray bixintu waxay xoojisaa Afka
lagu Eray bixinayo iyadoo loo noqonayo Afkii Dhaladka ahaa marka lala kaashado dadkii hore, Suugaanta, Suugaan dhaadhiga, Hal abuurka, Abwaanka, Qoraaga iyo Aqoonyahanka. Qofka Erayga bixinaya dheeraad bay u noqonaysaa haddii uu leeyahay aqoonta Afaf kale, Beeraha, Kaluunmaysiga, xoolo dhaqatada ama Macalimnimo.

Inta ka nool dadkii wax badan u soo joogey iyo Suugaan yahanku hadaan la
fahamsiin waxa laga hadlayo way adag tahay inuu Eray bixiyo, sidaa awgeed
waa inuu jiraa Aqoonyahan fahamsiin kara waxa loo Eray bixinayo iyadoo laga
tixraacayo waxa Afka Hooyo ama Aabe loo bedelayo sida ay u eg yihiin, u
shaqeeyaan, u sanqadhaan iyo waxa loo isticmaalo.

Waxaa jira Eray bixino inay dad badani samayn karaan, waxaana dhacda in
laba qof oo aan is ogayni ay Eray bixiyaan iyagoo laba Eray oo kala jaad ah
adeegsanaya, waxaa iyana jirta in dhowr qof ay isku Eray bixiyaan iyaga oo
aan is ogayn, hadhowna marka mid adeegsado la isku qabsado, waxaa iyana
dhacda in Eray qof bixiyey ama weedh inta si ka yare duwan sidii hore loo
bedelo hadhoow qof sheegto.

Aqoonyahankii u Erey bixiyey ‘ Cell ‘ oo ah waxa yar ee noloshu kasoo bilaabato, waxay ka dooneen Miyigii, waxayna Dhiisha iyo Hadhuubka ka soo amaahdeen ‘ Unug ‘ , loo noqonmaayo. Halka ay sideedii usoo turjumeen Dayax gacmeed ( dayax dad samee ah ) oo u baahan in lagu noqdo, hadaynu doono aynu Gaaraa-bidhaan u bixinee. Telefishanka waxaa loogu yeedhi karaa Humaag, dadkii hore wixii ugu horeeyey ee ay isku eegi jireen wuxuu ahaa Humaagga Biyaha. Weriyuhu isagoo ku faanaya magaalada uu joogo ayuu wuxuu warka ku bilaabi karaa ‘Halkani waa Hargeysa, Humaagga Qaranka Somaliland ‘.

Si aan kelmado la bixiyey u lumin ama aan loogu murmin isticmaalkeeda, waa
inay jirtaa Guddi la isla ogol yahay oo qawaaniin dhamays tiran iyo meel laga helo leh.

Tusaale, waxaan mudo hore isticmaalay weedha ” dadka Afka Soomaaliga
akhriya ” marna uma jeedin Qabiilka Soomaalida, waxa aan u wadey dadka Soomaalida ah iyo inta baratay Akhrinta Afka Soomaaliga, waxaa jira dad sheegta in ay iyagu keeneen weedha ” inta Afka Soomaaliga ku hadasha ” waxa ay doonaan ha uga jeedaane.

Hadaba anigoo mawduucaygii hore ee Erey bixinta aan ka Il duufin marka Eray
la bixinayo waa in laga doonaa meelo badan, dibna loogu noqdaa meelihii
aynaan waxba soo amaahan jirin sida Miyiga iyo Suugaanteena qaniga ah.

Tusaale kale, Ishaaro ( tan Gaadiidka iyo Dadka kala joojisa ) oo Carabi ah, hadaynu u Eray bixinayno oo aynu qof Af Soomaaliga yaqaan laakiin reer Miyi ah ka dalbano inuu uu u Eray bixiyo, waa inaynu u sheegnaa inay tahay Bir dheer oo dhulka laamiga ka
taagan, Sadex laydh leh oo Gaadiidka iyo dadka kala celisa leh, iyadoo loo sharaxayo inay gaadiidka kala joojiso, dadka iyo gaadiidkana marba qaar sii deyso, markaa waxaa dhici karta inuu Hormayntii xoolaha soo xigto una bixiyo ‘ Hormeeye’. Eraygan waxaan qoraal ku isticmaalay muddo Toban sanadood horteed ah anoo isu haysta inaan anigu
bixiyey.

Waxaa jira Aqoonyahanno wax wacan qoray, waxaan anigu qabaa in ay Erayada ka doonteen meelo aad uga fog wax ay fahmi karaan ama Qaybi karaan yaryarku, inkastoo aanan nasiib u helin in aan wada akhriyo, Erayga ‘ Slash ‘ oo ah xariiq kor u taagan qiyaastii 30 digrii ma garanayo waxay u bixiyeen, waa Erey aad loogu baahan yahay in bedel loo helo, waraaq kasta oo sharci ah waxaa ku jirta Islaash, hadaynu miyiga ku celino waxaynu u helaynaa Erayo aad ugu haboon oo ay ka mid tahay ‘ Dhegaati ‘. Dhegaati waa xadhig gaaban oo la isugu xidho inta badan Hararka, Kebedda iyo Udbaha ama Dhigaha, wuxuuna culayska ka lushaa ka dhigaa in dhegaatidu sameeyo Xagal 15-45 digrii oo Togan ama Taban. Hadii kale waxaynu ka doonan karnaa halka Afka Ingiriisku ka soo helay ee ‘ Sarniin ‘.

Hadaan u soo noqdo kelmadaha adag in Af Soomaali loo bedelo ee weliba ah Eray aan tilmaamayn Shay, sida ” Agenda ” oo ah Eray aad usoo noqnoqda baahi weyna loo qabo, hadaynu dib ugu noqono Miyigii iyo Suugaanta. Marka hore aynu isla garano in kelmaddan qalaadi tahay meel Aqooni isugu timi oo laga hadlayo dhowr arimood oo marba mid laga hadlayo, maadaama aanay fududeyn oo kelmeddu la xidhiidho shir cilmiyeysan, taa awgeed hadaynu u celino Miyigii iyo Suugaantii, waxaa jira laba siyood oo xoolaha loo waraabiyo – tan sahlan oo ah in xoolaha biyo wadhan lagu sii
daayo – tan labaadna waa shubaal, iyadoo Wadaanta marba mid laga soo Dowlinayo ceelka. markaa waxaan ugu Eray bixin lahaa ” Shubaal ” sidii Lab ama dhedig hadba
kaad doonto ugu dhawaaq. Hadaynu mid ka jilicsan doonana waa ‘ Arrin ‘.

Waxaa  jira Erayo hore u baxay oo qaarkood aanay mudnayn in Qoraalada lagu
soo gudbiyo, sida Dhoongo, Baali, Gogol dhaaf, Fataal, Agagas iyo wixii la
mid ah, waxaana wacan in aad loo dhowro kelmadaha xariirta ah ee ay ka mid yihiin Gaari, Dhabeel, Qalanjo. Halyeey, Caaqil, Guurti iyo qaar kaloo wacan.

Erayo aynu dhaxalay macnahooda iyo tusaalayaal:

Macangeg; Qof go’aankiisa ku adag sax iyo khaladba, Tusaale; Siyaasiga dhegeystey Gartii Reer Hawdka ee mudane Xuseen Caydiid, mudane C/qaadir Iimaan iyo mudane C/llaahi Jawaan ee soo jeedinta Talo qabeenka Odayga ugu dambeeya qaadan waaya, IWM.

Xaasid; Qof wanaaga dadka kale neceb, Tusaale; Qof aaminsan in aanay siyaasiyiin ahayn Xoghaye Khadar Xuseen, Gudoomiye Axmed Muuse, mudane C/rashiid Riyoraac, mudane Shucayb Maxamed iyo Gudoomiye Sharmaarke Geelle, IWM.

Beenaale; Qof aan runta aqoon, Tusaale; Qof aaminsan in billaha May iyo Juun aan laysugu imanayn Siyaasadda Somaliland iyo qof aaminsan in aan Saraakiisha aad isugu dhowdihiin Qabyaalad ahaan loo bedelayn Buuraha siijeedkooda ama aan shaqada laga fadhiisinayn hadaad waayaha Bilayska war-baahinta la wadaagto, IWM.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com