Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka Oo Qaadacay Codsi Cusub Oo Ka Yimid Trump

Xili ay weli xiraan yihiin qeybo badan oo kamid ah Xafiisyada dowlada Federaalka Maraykanka todobaadkii 4aad ayuu Madaxweynaha Maraykanka soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu xaliyo ismarin-waaga ka dhashay miisaaniyada dowlada.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa weli diidan inay miisaaniyada ku daraan 5.7 bilyan oo dollar oo uu Trump sheegay inuu ku dhisi doono derbiga xaduuda Mexico lagu xirayo.

Trump ayaa soo jeediyey in uu ogolaan doono in sadexda sano ee soo socda aan dalka laga tarxiili doonin dadka aan weli sharciga heysan oo ay ku jiraan dhalinyara ku kortay dalkaasi ee waalidiintooda dalka keeneen, kuwaasi oo ay xukuumada Trump horey u laalshay sharuuc xaquuq dheeraad ah lagu siinayey inay dalkaasi sii joogi karaan.

Hogaamiyayaasha Dimuquraadiga oo diiday soo jeedinta Trump ayaa sheegay in Madaxweynaha uu doonayo inuu gorgortan ka dhigto dhalinta dalkaasi ku kortay si uu u helo lacagta uu doonayo inuu ku hirgeliyo mashruuca derbiga xaduuda oo ah mid uu ku galay ololihii doorashadii 2016, qorshahaasi Trump ayaa hada qar ka laalaada kadib markii Dimuquraadiga la wareegeen aqlabiyada Aqalka Hoose xili hada la isu diyaarinayo doorashada soo socota ee 2020.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker